Ila Qosol: Sujuuddii Dheerayd

Qolyo salaaddii Maqrib ka soo daahay, ayaa masaajidka ugu soo galay nin tukanaya – waanay ku xidheen. Ninkii intuu rukuucay ayuu sujuudey; iyaguna way la sujuudeen. Shaaw ninkan ay salaadda ku xidheen, waa nin is-ku-buuqsan oo xanuunsanaya!
Markii uu jamacii sujuudda galayna, isaga oo aan cidna la hadal ayuu aayar kacay oo uu iska tegey!
Jamacii sujuud dheer ayay galayn, iyaga oo sugayey, Allaahu Akbarta imaamkoodii. Iyaga oo sidii u sujuudsan, ayuu nin soo galay masaajidkii.
 Haddaba markii uu ninkii muddo dul taagnaa ee ay toosi waayeen, ayuu u tegey imaamkii masaajidka oo qol ku jira. Wuxuna uga warramay xaaladda uu ku soo arkay jamacan sujuudsanaa!
Dabadeedna, imaamkii iyo ninkiibaa isa soo raacay. Markii uu imaamkii arkay sujuudan dheer ee ay ku jiraan, ayuu kor u yidhi, ” Allaahu Akbar.” Wuxuna u sii raaciyey, ” Waar  ninkii idin tukinayey wuu tagaye, salaaddiina dhammaystirta!”
Weli sujuudda ma lagaaga tegey? Tu walba filo!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker