Dr. Sacad Cali Shire, Waa Colin Pawell-ka J.Somaliland!

Ummadi hadii ay garan-waydo oo ay qadarin waydo qofkeeda tayada wanaagsan leh, waxa dhab ah inaanay ummadaasi daacad ahayn! 1990kii, markii ay dalka Maraykanka iyo Xulafadii uu watay dagaalkii la odhan jiray “Golf war” ku qaadeen wadanka Ciraaq  ee aduunku uu khalkhalka galay, ayaa waxa maqaal aad u xiiso-badan oo uu ku badheedhayo kuna garab-joogsanayo dalkiisa (USA) qoray nin shacab ah oo Maraykan ah! Maqaalkaasi oo uu ciwaan uga dhigay “Colin Pawell” is my hero, waxa uu qorahaasi si fiican ugu faaqiday sababta uu u taageeray gulufka uu dalkiisu ku jiro! Weedho aad ii cajab galiyay (aniga qof ahaan) oo ninkaas Maraykanka ah xaashidiisa ku jiray ayaa ahaa tusaal ahaan; ” inkasta oo aanan xog-siyaasi ah oo badan oo igu khasbi karta in aan la safto xukuumada President Bush hayn hadana, dareenkayga wadaniga ahi waxa aanu marnaba ka adkaysan karayn ee uu usoo joogsanayaa Xikmadda iyo gola-joogsiga General Colin Pawell. Isaga oo hadalka sii wata ninkaa qoraha ahi ayuu lahaa; “Colin Pawell, hadii aanu ka mid ahayn maamulka President Bush, waxa dhab ah inaan dalkeenu kasbadeen gaashaan-buurta badan ee Caalamiga ah ee haatan dhufayska inagula jirta, ee xabada isku-dhigaysa”. Ninkaas Maraykanka ahi waxa uu ku soo gabogabeeyay sheekadiisii, ” inta dalkeenu uu Colin Pawell haysto guushu waa xageena, Colin Pawell waa halyaygayga!

Maxaan uga socdaa hadaba arartaa?

Waa cawo-daro-e, waxa beryahan ku batay dhegaha dadka hadallo aan dux lahayn oo lagu baahiyo baraha bulshada iyo meelaha kale ee wax lagu qorqoro. Kuwaas oo lagu sadhaynayo sumcadda hal-doorka dalka J.Somaliland, oo uu ugu horeeyo Dr. Sacad Cali Shire. Waxan anigu qof ahaan aaminsanahay, in Allah ku galaday dalka J.Somaliland dad badan oo aqoon leh, daacad ah, wadaniyiin ah, karti leh oo hadh iyo habeen u xaydan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkooda iyo dalkooda. Xaqiiqdu sida ay tahay, halyay-yadaa xil-kaska ah ee aan ka seexan u-adeega bulshadeena ayuu hadaba Dr. Sacad-na safka ugu horeeya kaga jiraa. Dr. Sacad, intii uu ku dhex-jiray siyaasada iyo talada dalkeena oo ah qiyaastii ku dhaw 8sano, waxa aan la dafiri karin inuu muujiyay tayo aad badan oo uu ku mutaystay in lagu amaano, taas Dr. Sacad ka soocday dad badan oo kale oo xilal Wasiirnimo ka qabtay ama haatan-ba ka haya J.Somaliland.

Labada wasaaradood ee kala ah “Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada A/dibada,” oo labadaba madax looga dhigay Dr. Sacad, waxa intii uu wasiirka ka ahaa gaadhsiiyalabadaba  heer aad u sareeya oo aanay hore u gaadhin. Sida uu u qaabeeyay iyo qorshayaasha shaqo ee u dhigay wasaaradahaas ayaa runtii noqotay mid dad badani aymajeertaan! Qof ahaan, anigu waxan ogahay, in dad u dhashay dal jaarkeena ahi in ay Koobiyaysteen qoraalo iyo xoggo uu Wasiir Dr. Sacad Cali Shirer u sameeyay inuu ku maamulo Wasaarada Qorshaynta J.Somaliland, tusaale ahaan qorshaha 5ta ama 30ka sano ee uu Dr. Sacad u dhigay inay ku hawl-galayso Wasaarada Qorshaynta J.Somaliland. Waxa taasi kuu muujinaysaa aqoonta, waayo-aragnimada naadirka ah ee uu ku galadan yahay Wasiir Dr. Sacad Cali Shire. Waataas ay xataa dalal kale ka faa’iidaysanayaan!

Intaas uun ma ahee, saamaynta togan ee uu Dr. Sacad Cali Shire ku leeyahay dawladnimada J.Somaliland waa mid aan cidina il-duufi karayn. Bal u fiirso doodaha uu la-wadaago dadka ka soo hor-jeeda Qadiyadda J.Somaliland iyo sida la yaabka leh ee uu had iyo jeer libinta uga helo! Bal dhuux jawaabaha uu ka bixinayo su’aalaha la waydiiyo marka la waraysanyo. Bal ka bogo deganaanshaha iyo sida miyirku ku jiro ee uu u-hadlayo. Waxa hubaal ah, in hadaad tahay muwaadin xalaal ah oo rajo ka qaba dalkiisa aanad marna saluugayn Dr. Sacad Cali Shire iyo xilka uu garbaha u ritay ee uu u-sido dalkiisa iyo dadkiisa-toona, taas bedelkeedana aad ugu ducayni un Allah ku garab-galo.

Gabogabo: Anigu qof ahaan ma aqaan Dr. Sacad Cali shire oo weligay lama kulmin. Haseyeeshee, waxan akhriyay qoraal xirfadaysan oo badan oo ugu deeqay dalkiisa hooyo (J.Somaliland). Intaas uun ma ahee, waxan Dr. Sacad Cali Shire ka daawaday/dhagaystay war-baahinta dalkeena iyo ta Caalamkaba oo si kooba iyo si faahfaahsanba aan uga bogtay. Intaas marka aan isku gaysto hadaba, waxa ii soo baxday oo aan halkan-na ka qirayaa inuu Dr. Sacad Cali Shire yahay nin bilay Qaranka J.Somaliland, dalkeenuna aanu sinaba iyo marnaba ka maarmi karayn. Hadabasu’aasha mudan in uu qof kastaa is-waydiiyaa waxa ay tahay, reer Somaliland-oow, goormaynu ka waynaan doonaan oo joojin doonaa inaynu xagxagano oo xajiimayo hadba ruuxa inoogu wanaagsan? Walee waa yaab.

Waar hooy, Dr. Sacad Cali Shire iyo dadka kale ee kooban ee la midka ah ee labeenteena ah aan dhawrano, si aan cadawgeena iskaga celino!

Ha jirto J.Somaliland oo ha Joogto Weligeed.

Cali Cumar Xasan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker