Barcelona iyo Lionel Messi oo ugu dambeyn ku heshiiyay saxiix qandaraas cusub

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay xalliso mustaqbalka kabtankeeda Lionel Messi kaasoo haatan aqbalay inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono kooxdiisa.

Messi iyo Barca ayaa isku raacay inuu xiddiga saxiixo qandaraas cusub oo dhici doona June 2023 sida majaladda MARCA ay kasoo xigatay joornaaliistaha lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano.

Mustaqbalka weeraryahanka reer Argentina ayaa shaki weyn uu ku jiray tan iyo xagaagii hore waxaana uu ka mid ahaa cinwaannada ugu waaweyn suuqa kala iibsiga fasalkii dhammaaday oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, La Pulga ayaa qalinka si rasmi ah u dul dhigi doona qandaraaska cusub ee uu aqbalay maalmaha soo socda si uu labada xilli ciyaareed ee soo socda qayb uga ahaado kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa ay qasab ku tahay inay miisaaniyaddeeda mushaharaadka ciyaartoyda u banneyso 170 milyan oo gini, waxaana sidaas darteed, la fasixi doonaa xiddigo dhowr ah oo la aaminsan yahay inay ugu horreeyaan Philippe Coutinho iyo Miralem Pjanic.

Gool FM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker