Sarkaal Sare oo ka Tirsan CIA_da Maraykanka oo Lagu Dilay Gudaha Somalia

Muqdisho (OWN) – Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida uu Saraakiil Mareykan ahi u sheegay Wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

 

 

Aqoonsiga sarkaalkan ayaa ah mid la qariyey, welina ma hubno xaaladda lagu dilay. Ma cadda haddii uu ku dhintay howl-gal ka hortag aragagixiso ama inuu ahaa dhibnaha weerar ka yimid cadowga u Geeridooday sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanku.

 

 

Si kastaba, CNN ayaa sheegay in sarkaalka uu marka hore ku dhaawacmay howlgal, kadibna uu geeriyooday dhowr maalmood kadib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

CIA-du way diiday inay wax faallo ah ka bixiso arrintan.

 

 

Dhimashada Sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaadhaya 700 ee Askari laga   saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

 

 

Gudaha CIA-da, Soomaaliya waxaa looga arkaa dal halis badan. Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee sirdoonka ayaa muddo dood ka qabay in howl-galka ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya uu mudan yahay in loo halis geliyo nolosha saraakiisha CIA-da.

 

 

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay kooxda halista ugu xooggan ku haysa danaha Mareykanka ee gobolka iyo meelo ka baxsanba.

 

Islamarkaana haddii aan laga hortegin ay halisteeda sii ballaadhan karto, oo ay noqon karto mid caalami ah sida kooxda Daacish.

 

 

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka kuwaas oo  duqeymo la beegsada Haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker