Wasiir Faratoon Wuxuu God Madow ku Ridey Aqoonsi Raadintii Somaliland Ogow Dib u dhaca uu Geystey inta aadan ugu Codeyn Baarlamaanka

Marka qof hawl loo dhiibayo sida caadiga ah waxaa lagu qiimeeyaa shaqooyinkii uu hore u soo qabtay & sida uu uga soo baxay. hadaba waxaan rabaa inaan in yar ka idhaahdo wasiir hore Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xukuumada & xisbiga Kulmiye ay la doonayaan inuu u qabto jagada gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland,

Mudane Yaasiin Faratoon mudo labadii sanadood ama sadexdii sanadood ee ugu danbeeyey wuxuu ahaa wasiirka arimaha dibada Somaliland intii uu jagadaa hayey Somaliland waxaa lasoo dersey dib u dhacii ugu weynaa ee soo mara taariikhda Somaliland ee dhinaca arimaha dibada & xidhiidhka caalamiga ah & weliba aqoonsi raadinta,

Weli lama arag Mr Faratoon markii uu ahaa wasiirka arimaha dibada isagoo isku hawlay ama la kulmay madaxda caalamka si uu uga dhaadhiciyo qadiyada Somaliland halka Wasiirkii ka horeeyey ee Sacad Cali Shire intii uu ahaa wasiirka arimaha dibada uu la kulmay boqolaal kamida baarlamaanada aduunka & madaxda wasaaradaha arimaha dibada ee dalalka caalamka gaar ahaan Qaarada Yurub,

Wasiir Yaasiin Faratoon oo si weyn hoos ugu dhigay dedaalkii bulshada reer Somaliland ay ku raadineysay aqoonsi & inay beesha caalamka ay kaga dhaadhiciyaan qadiyadooda ayaa sidoo kale albaabada isugu dhugtay in ka badan labaatay xafiis (Safaaradood) oo Somaliland ku lahayd caalamka kuwaasoo ka shaqeyn jirey inay la xidhiidhaan xukuumadaha wadamada ay ka sameysan yihiin oo ay ka dhaadhiciyaan qadiyada Somaliland, Sidoo kale xafiisyada ama safaaradaha Somaliland ee dibaduhu waxay ka shaqeyn jireen oo ay fududeyn jireen in madaxda Somaliland ay soo casuumaan isla markaana ay la kulan siiyaan baarlamaanada dalalka ay joogaan & wasaaradaha arimaha dibada, Laakiin Safiiro badan oo aan la xidhiidhay ayaa ii sheegey in Wasiir Faratoon uu si cad ugu sheegey in aan loo baahneyn shaqadaa ay hayeen oo dhan, (Hadii aad u baahataana waad la xidhiidhi kartaan wakiilada safaaradahaa si aad u ogaataan xaqiiqda dhabta ah ah & sida uu u hor joogsaday siyaasadii arimaha dibada ee dalka)

Arintan ayaa ah ta keentey inuu hoos u dhaco ama aad loo dareemo in Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi aanay keenin haba yaraatee wax la taaban karo ama horumar ah oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada oo ilaa iminka lagu dhaliillo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, Wasiir Yaasiin Faratoon inta aan jago baarlamaan lala doonana horta sow kama horeyso in la weydiiyo godka uu ku ridey siyaasadii arimaha dibada ee dalka intii uu wasiirka ahaana waxaa dhamaanba istaagay oo meesha ka baxay xidhiidhkii fiicnaa ee dalka Somaliland uu la lahaa wadamada Ingiriiska & Ethiopia & weliba Mareykanka & Wadamada kale ee reer Yurub, Ninka sababay fashilka intaa la,eg ee ku yimi Somaliland miyuu karti u leeyahay inuu gudoomiyo golaha baarlamaanka ee looga arimiyo dalka Somaliland,

Waxaa loo baahan yahay in laga fekero danta dalka ee aan laga fekerin dano gaar ah hadii la doonayo ummad guuleysata oo gaadha ujeedada ay higsanayaan, Wasiir Faratoona mar haduu tii horeba uu god ku riday tana sida loogu aaminaa wey adagtay,

Guul Somaliland

Qore: Eng Ahmed Ali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker