Madaxweynaha Somaliland oo Warbaahinta Websites-ka ku bogaadiyey Doorkii ay ka geysteen Doorashooyinka

Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbaahinta kala duwan ee dalka ku ammaanay doorkii ay ka qaateen Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dalka ka qabsoomay 31-kii May 2021-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka, waxa uu warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka togan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka oo uu sheegay inay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.

“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday Tv-yo yihiin, hadday website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta. Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada adeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay kuwii Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Mareegaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland oo ku midaysan Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association (SOMA), ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen.

Warbaahinta Onlineka ah (Websites-ka), waxa ay kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga muraayadeed ee dunida ka dheehato xaaladaha kala duwan ee gudaha Somaliland ka jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker