Xisbiyada Oo Laga Sugayo Inay Go’aan Ka Gaadhaan Jadwalka Komiishanka Ee Doorashada Oo Ah 10 Bilood

Sabtidii Shalay waxa mar kale kulan yeeshay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka.

Kulankan oo daba socday kulamo lagu lafo-gurayey sida ugu habboon ee Doorashada loogu qaban karo Wakhtigeeda iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha illaa hadda qabyada ah ayaa Komiishanku wuxuu Xubnaha Xisbiyada ugu soo bandhigay Jadwalka uu doonayo inuu doorashada ku qabto.

Komiishanku uu Xubnaha Xisbiyada ee la shaqeeya u soo bandhigay Jadwalkiisa Doorashada ee rasmiga ah, taasi oo ah inuu muddo 10 bilood gudahood ah ku qaban karo doorashada isla-markaana uu muddadaa ku diyaarsan karo waxyaabaha imika qabyada ka ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xubnaha Xisbiyada ee Komiishanka la shaqeeyaa ay soo jeedintaasi dib ugula noqonayaan Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadooda, si ay go’aan uga gaadhaan, haddii ay ku qancaan iyo haddii kaleba.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Komiishanku uu Jadwalka doorashada ee 10-ka bilood ku salaysan uu u soo bandhigay Xubnaha Xisbiyada u qaabilsan la shaqaynta Komiishanka, laakiin xilligaasi waxa Xisbiyada qaarkood, sida Kulmiye soo jeediyeen in wakhtigaa laga yareeyo isla-markaana lagu soo koobo lix bilood.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker