Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay hadal kasoo yeedhay Maamulka Puntland.

 

Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeedhay Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Imtixaanka shaahadiga ee Somaliland aan laga qaadi karin gobollada Sool iyo Sanaag taasi oo Wasaaradda Waxbarashada ku tilmaantay riyo maalimeed.

WARSAXAAFADEED kasoo baxay Wasaaradda  ayaa u dhignayd sidan:—

 

Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker