Madaxwayne Xaaf Oo ka Baxay Wada-hadala Dawlada Iyo Galmudug, Sharuudo Adag-na ku Xidhay.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu madaxweyne Xaaf ayaa diiday inuu sii joogo Magaaladaasi iyo inuu lasii shaqeeyo Ahlu Sunna.

Madaxweyne Xaaf ayaa laba shardi oo adag ku xiray inuu lasii shaqeeyo Ahlu Sunna uuna sii joogo Magaalada Dhuusamareeb. Labada Shardi uu Xaaf ku xiray Ahlu Sunna ayaa kala ah

1) – In Ciidamada Daacadda u ah Xaaf ee lagu xayiray duleedka Dhuusamareeb loo ogolaado inay soo galaan gudaha Magaalada.

2) – In Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka socdo ay isaga baxaan magaalada Isla markaasna la joojiyo wadahadalada.

Labadaas shardi ayuu Xaaf ku xiray inuu sii joogo Magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna ee markii la dambe la galmudugeeyey.

Waxaa laga yaabaa inuu madaxweyne Xaaf Saacadaha soo socdo isaga baxo Dhuusamareeb haddii aan loo fulin labadaas shardi.

Dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa sheegayo inuu fashilmi doono qorshaha Dowladda ee Ahlu Sunna la wado haddii uusan Xaaf qeyb ka noqon maadaama uu isaga yahay Madaxweynaha Sharciga ah oo ay ka go’do talada Maamulkaas.

Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker