Wasiir dubbe oo Ka jawaabay su’aalo la xidhiidha ciidankii loo qaaday dalka Eritrea

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale beeniyey in ciidamo Somaali ah ay tageen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia. Waxa kale oo uu beeniyey inay tageen magaalada Axum.

Wasiirka oo ka hadlay shir jaraa’id oo Muqdishouu ku qabtay ayaa sheegay in tababarka ciidamka la siyaasadaynayo.

Dubbe ayaa sheegay in ciidanka ay noqdaan dhallinyaro qaan gaar ah, oo go’aankooda ayaga leh, kuwa tababarka aadayna ay sidaas yihiin.

Dubbe ayaa intaas ku daray in ciidamada ku maqan Eritrea ay la mid yihiin kuwa kale ee tababarka u jira dalalka kale ee caalamka, sida Turkiga, balse aysan jirin ciidan tegay gobolka Tigray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker