Ra’isul Wasaaraha Canada oo ka qeybgalay baroordiiqda qoyskii Muslimiinta ahaa

Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeybgalay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario.

Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaadhi u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra’isul wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso.

Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeybgalay baroordiiqdan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker