Xajka ma markii u horeysey ee aan la taginbaa?

Waxa sheegeysaa buugaagta(kutubta) taariikhdu in ay dhacdey in aan waajibka xajka aan la soo gudan sanado badan oo dunida islaamka soo marey.
● Waxaa ka mid ah dhacdooyinkaas sanadkii 317H waxaa qabsadey meelo badan oo Jasiirada Carabta ka mid ah qolo la odhan jirey Qaraamido,waxaanu amar ku bixiyey Abu Daahir Alqurmudi in xujaajta la laayo isaga oo ku andacoonaya in ay yihiin gaalo dhagax caabud ah waxaa la diley sanadkaa ilaa 30,000 oo xaaji 10 sano oo danbena lama soo xajin.
● Wuxuu sheegey Ibnu Kathiir “Al bidaaya walniyaaha” in sanadkii 357H uu dilaacey xanuun geela ku dhacey xujaajtiina uu ka laayey geelii kuwii wax u badbaadeen oo tiro yar ahayd dhamaadkii xajka Maka soo gaadheen.
● Sanadkii 419H waxaa qaaliyoobey ascaartii mashiicada gaar ahaan Masar iyo Bariga dunada Islaamka tiro yar baana xajidey sanadkaas.
● Sanadkii 417H waxaa xumaadey jawiga oo waxaa dhacey qabow daran oo baraf wata beerihii iyo xoolihiina waa baabe’een gaar ahaan Ciraaq Khurasaan iyo meelo kale xajkiina wuu baaqdey sandals. Sida uu Ibna Athiir sheegey
ا
Markaa hada oo Corona loo xanibey uguma horeyso xajka iyo hawlihiisu in ay joogsadaan.
W/Q:Xasan Ciise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker