Ma Dhabbaa In UK Saldhig Militari Ka Sameysaneyso Somaliland?

Hargaysa-(OWN)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland.

Toddobaadkan waxaa magaalada Hargeysa markii ugu horeysay tagay xoghayaha Difaaca Britain Gavin Williamson oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

Somaliland waxaa horey u gumeystay Boqortooyada Ingariiska, walina waxaa ay raadineysaa in ay hesho aqoonsi caalami ah kaddib markii ay ku dhawaaqday in ay go’day Soomaaliya inteeda kale.

Baashe Cawil oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya oo arintan wax laga weydiiyay ayaa beeniyay warka ku saabsan in socdaalka xoghayaha difaaca UK  uu ahaa mid salka ku haya arrimo militar, balse taa badalkeeda waxaa uu sheegay in Gavin Williamson iyo madaxweyne Biixi ka wada hadleen arrimo dan u ah xiriirka Somaliland iyo Britain taasoo gacan ka geysan karta ayuu yidhi in ay hello aqoonsi deg deg ah.

Booqashada xoghayaha difaac ayaa timid toddobaad uun kaddib  markii ay UK ku dhawaaqay in ay dooneyso in saldhig cusub ka hesho dunida inteeda kale kaddib ka bixitaankeedii midowga Yurub.

Dowladda Rushka ayaa horey u sheegtay in ciidamaddeeda badda saldhig militari uga sameyneyso deegaanka Seylac ee dhulka Somaliland, halka Imaaraadkana uu heshiis buuxa kula galay Somaliland in saldhig militari uu ka sameysto magaalada Berbera.

Somaliland ayaa u aragta booshada xoghayha difaaca UK  uu toddobaadka ku tagay Hargeysa mid ku soo jeedin karta Idhaha caalamka, madaama Somaliland tan 1991kii raadineysay aqoonsi caalami ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker