Maayarka & Maayar-xigeenka Berbera Oo Dhaartu U Hadhay

Gudaha Hargeysa waxaa xalay xili dambe kulan ay isku dhaarsadeen ugu soo dhamaday mudanayaal gaadhaya ilaa 8 mudane oo sadexda xisbi ka kooban oo kamida 13 mudane ee degmada Berbera kasoo baxay doorashadii deegaanka doorkan.

Maxamed Ibraahim Dable oo Ucid kasoo baxay ayay wararku sheegayaan inay isku raaceen inay ugu codeeyaan maayirka maalinta codeynta marka lagaadho .

Sidoo kale waxa isla shirka loogu cumaamaday musharaxnimada maayir ku xigeenka Aadan dheere oo kasoo baxay xisbiga Waddani.

Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yusuf oo labadooduba kasoo baxay xisbiga Kulmiye ayaa kamida mudanayaasha shirka xalay ka qeyb galay kana mid ahaa xubnihii duqa Berbera inay noqdaan daneynayay.

Weli macadda in sida aqlabiyada hawshu ku dhamaan maalinta codeynta iyo in duqii hore ee magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin oo damaciisa maayir nimo xoogan yahay oo aan la yareysan karin dadaalka uu ugu jiro uu kadaba iman doono oo uu markale noqon duqa Berbera .

Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa yagana loo badinaya in labada xisbi Mucaarad kala qaataan maayirka iyo ku xigeenka sida ay ilaa hadda san saantu u eegtahay , walow aan la yareysan karin dadaalka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ee damacoodu yahay ina maayirada magaalooyinka waaweyn mucaaradka loo gacan galin .

Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale saaka shir mudanayasha golaha deegaanka Hargeysa u dhan yihiin ka socdaa .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker