Xuska Itoobiya ee dagaalkii 77 wax buu na xusuusina:Faallo By Suxufi Sinyoore

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

Koofurta Soomaaliya waxaa jirta maahmaahda “ Deriska dagaalkaaga raba Dooradaada (Digaaggaada) iga cesho ayuu ku yiraahdaa”, maahmaahdaasi waxa ay si fiican u ifineysaa in xiriirkiinu xumaanayo marka deriskaagu kugu mashquuliyo in aad ka cesheto digaagga oo ay adag tahay in la maamulo.

Xuska iyo tookha Itoobiya ee dagaalkii 77 waxa uu dad badan oo Soomaaliyeed xusuusinayaa in weli Itoobiya uu ka taliyo maamulka Dergiga ee hanti wadaagga ahaa kaas oo u hammuun qabay in uu dhul iyo dad uusan lahayn qabsado xoog iyo xalaal hadba kii suuragal ah, haddii ay sidaas tahay oo weli dergi iyo damicii dhul ballaarsigu jiro waa in Itoobiya ogaato in nidaamkii kacaanka ee hanti-waddaagga ahaa oo u hamuun qabay in uu 9 gobol oo Soomaali galbeed layiraahdo kasoo ceshado Itoobiya uu weli jiro, dhashii iyo dhawicii dagaalkaasina ay weli farta qaniinsan yihiin.

Salvador Valdes Mesa madaxweyne ku xigeenka Kubba Naasweyn oo hadda kujira da’aadda casaasaqa kana mid ah xisbiga shuuciga ah ee Kubba ceeb ayay ku tahay in uu weli nafci ku raadiyo taageeradii ay Kubba siiyey Itoobiya iyada oo hub iyo dhaqaale uga qaadatay Ruushka 1977-dii si ay calooshood u saqeystayaal ugu dirto kaqaybgalka dagaalkii u dhexeeyey Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaaliyeed maanta waa ogyihiin in Minilik, Xayle Salaase, Mingistu Xayle Maryan, Melez Zanawi iyo Abiy Axmed ay isku aragti ka yihiin hormarinta  damaca dhulballaarsiga balse waxa ay ku kaladuwan yihiin ay yihiin qaabka (Method) loo marayo sida Soomaalida oo dhan looga dhigi karo qabiil kamid a kuwa Itoobiya (Ethnic group) kaas oo leh ismaamul-goboleed katirsan federaalka Itoobiya.

Raisalwasaare Abiy Axmed qaabka uu qaatay si uu u horumariyo aragtida damaca dhulballaarsiga  waa qiyaanada qarsoon ee isdhexgalka geeska Afrika (Integration)  taas oo ah hubka aamusan ee lagu qabsado dadka iyo dowladahoodaba si loogu daro dalal kale.

Haddii aad rabto in ogaato astaamaha damaca dhulballaarsiga iyo hubka aamusan ee loo adeegsado oo ah isdhegal dib u fiiri sida ay u dhaqmeyso wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo hadda dowlad-goboleedyada Soomaaliya  u aqoonsaneysa dowlado ay kula macaamisho dhaqanka siyaasadda laba wajiilaha (Double face)

Xuska Itoobiya ee Dagaalkii 77 waxa uu na xusuusinayaa in hanka Itoobiya  weli halkiisii yahay!

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker