Komishanka Doorashooyinka JSL Oo Maxkamada Sare U Gudbiyay Natiijada Hordhaca Ah Ee Golaha Wakiilada JSL

Guddoomiyaha maxkmada sare ee Somaliland ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka Qaranku ay natiijadii hordhaca ahayd ee Golaha Wakiillada JSL u soo gudbiyay Maxkamadda Sare ee JSL.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed uu maanta kala wareegay natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada,Guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac)

Sida xeerku uu tilmaamayo waxa ay maxkamaddu hubinaysaa in wax cabashooyin ah oo xeerka waafaqsani ay jiraan, inta aanay Maxkamadda Sare ku dhawaaqin go’aanka rasmiga ah ee ay ku ansixinayso natiijada kama dambaysta ah ee doorashada golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale guddida doorashooyinku waxa ay u soo gudbiyeen 20 degmo doorasho natiijadoodii hordhaca ahayd, taasi oo ay hore ugu gudbiyeen guddida doorashooyinka heer degmo Maxkamaddaha gobolada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker