Garsoorka Sucuudiga Oo Fasaxay In La Shaaciyo Magacyada Dadka Haweenka Faro-xumeeya

Maxkamad Sucuudiga ku taal ayaa markii ugu horraysay taariikhda dalkaasi amar ku bixisay in la sheego magaca eedaysane lagu soo oogay inuu si foolxun u faduuliyey haween oo weliba fagaare magaciisa laga shaaciyo, waxaana sidaa ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Yaasir Al-Carawi ayey maxkamad Madiina ku taal ku heshay dembi ah inuu haweenay sifo aan haboonayn u faduuliyey isaga oo adeegsanaya erayo fool xun.

Waxa lagu xukumay sideed bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo adhan 1330 doolar.

Xeerka ka hor tagga faduulinta qaawan ee haweenka ee Sucuudiga ayaa wax laga bedelay sannad ka hor si ay u sahlanaanto in la shaacin karo magacyada dadka dembiyadaa lagu helo oo lagu baahin karo wargeysyada maxaliga ah oo weliba kharashkana eedaysanaha dembigu ku cadaaday isagu qabo.

Garsooreyaasha ayaa xeerku awood u siinayaa in ay iyagu go’aan ka gaadhaan “culayska dembiga dhaca iyo miisaanka saamaynta uu ku yeelanayo bulshada”.

Wax ka beddelka xeerkaas ayey dad badan oo ku nool Boqortooyadaa muxaafadka ah ee Khaliijku soo dhaweeyeen waagaa, waxaanay dadka ka faalooda arrimaha gudaha ee dalkaasi markaa ku tilmaameen “wax mudo dheer la sugayey”.

In kasta oo isbedelkan sharci ay haween badan oo Sucuudi ahi ka cawdeen oo ay sheegeen in aan maamulku weli wax la taaban karo ka qabanin sidii loo joojin lahaa faduulinta qaawan ee haweenka.

Haweenay ayaa dhawaan BBC-da u sheegtay in faalooyinka ay dadku ka dhiibtaan wararka internet-ka lagu baahiyo ee falalkaa ka waramaya ay dadku badanaa haweenka la faduuliyey qudhooda dembiga saaraan taasina keeni karto in dhibaneyaashii la ciqaabo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker