“Doorashadii Qabsoontay Waxay Furaysaa Albaabka Aqoonsiga Qaddiyadeena” Md Faratoon

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kamid ah mudaneyaasha ku soo baxay doorashadii golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool, ayaa iftiimiyay sida ay qadiyada aqoonsiga Somaliland wax wayn uga tarayso doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii May.

Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo intaanu u tartamin mudanaha golaha wakiilada, hore u ahaa wasiirka arrimaha dibedda dalka. Xog ogaalna u ahaa qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana albaabo badan u garaacay in qaranka Somaliland ictiraaf ka helo caalamka, ayaa sheegay in Somaliland guusha uga soo hoyatay Doorashada isku sidkani ay sabab u noqon doonto in dalku uu ictiraaf helo.

Waxaanu intaa raaciyay in doorashada Somaliland ka qabsoontay ay durba qabsatay warbaahinta caalamka kuwooda ugu waawayn. Mudane Faratoon oo ka hadlayay doorashada qabsoontay guusha dublamaasiyadeed ee ay Somaliland u soo hoynayso ayaa yidhi “Marka hore ALLE.ayaa mahad leh oo guul iyo nabad gelyo inoogu dhameeyay doorashooyinkii, marka labaad waxaan uga mahad naqayaa Madaxweynaha qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiiraday in ay Dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin illaa Xukuumadihii ka horeeyay ku muddo dhaafay, waxaa kale oon hambalyaynaya gudida doorashooyinka oo qabtay Doorasho daah furan oo hufan.

Waxaa kale oo aan bogaadinayaa çiidamada dalka oo heegan buuxa u galay sugidda nabad gelyada iyo illaalinta doorashada. Waxaan la ilaawi karin oo bogaadin mudan shacbiga Somaliland ee u kacay in ay codkooda dhiibtaan. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa bulshada gobolka Sool ee codkooda igu soo saaray. Ugu dambayn waxaan hambalyaynaya dhamaan asxaabta qaranka iyo mudaneyaasha soo baxay.”

Mudane Faratoon oo ka hadlaya arrinta ictiraafka Somaliland ayaa yidhi “Doorashooyinka inoo qabsoomay illaa maalintay dadku u dareereen in ay codkooda dhiibtaan iyo illaa imika warbaahinta caalamka oo dhan waxa lagaga faaloonayaa doorashooyinka inoo qabsoomay, intaa waxaa inoo dheer muddo badan, ayaan qadiyada aqoonsi raadinta qaranka u soo maray dalal badan, waxyaabaha doodaheena hortaagnaa waxaa ka mid ahaa qabsoomid la’aanta doorashada wakiilada oo muddo badan fadhiyay, waxaana la inaga sugayay in aynu ka dhabayno dimuquraadiyada aynu qaadanay.

Doorashada inoo qabsoontayna waxay Somaliland u furaysaa Albaabka aqoonsiga Somaliland, sababta ah waxaynu ku tallaabsanay wax aan ka dhicin mandaqada aynu ku nool nahay, Durbana waxaa bilaabmay doodo warbaahinta dunidu soo bandhigayso oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker