Beesha Caalamka Oo Warbixin Kasoo Saartay Doorashooyinkii Ka Qabsoomay Somaliland

Bahwadaagta caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka saacida dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa shacbiga, Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adaha Xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee sida guusha leh uga qabsoomay dalka sannadkan 2021ka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay maanta soo saareen Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Ingiriisku, kaasi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanay tilmaameen in Shacbiga Somaliland ay caddeeyeen siday uga go’an tahay nidaamka doorashooyinka, ka qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta Dimuqraadiyadda.

Waxa kaloo ay si gaar ah u bogaadiyeen doorashada taariikhiga ah ee bulshada laga tirada badan yahay oo ku soo baxay Aqalka Wakiillada iyo dhallinyaro badan ee lagu doortay doorashooyinkii ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dhinaca dimuqraadiyaddu, waxay intaas ku dareen inay aqoonsan yihiin amhiyadii la siiyey haweenka murrashaxiinta ahaa xiligii lagu gudo jiray gedi-socodka doorashada, hase ahaatee ay ka xun yihiin in arrintaasi aanay sababin in haween badan la doorto iyadoo ay hoos u dhacday in hindisihii ahaa in haweenku ay yeeshaan cid siyaasadda ku metasha. Waxana ay ku doodeen inay daneeyeyaashu ay arrintaas wax ka baran doonaan.

Waxa kaloo ay soo jeediyeen in Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasaddu ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee dhinaca Siyaasadda, si arrintaas looga faa’iidaysto doorashooyinka mustaqbalka.

Beesha caalamku waxay intaas ku dareen in baarlamaanka cusub iyo xukuumadda looga fadhiyo inay qaadaan tallaabooyin isku xidhan, oo lagu xaqiijinayo in haweenku ay Xukuumadda iyo maamulka ku yeeshaan xubno metala.

Sidoo kale, waxay balan qaadeen inay sii wadayaan iskaashiga togan ee ay Somaliland kala shaqeeyaan dhinaca dimuqraadiyadda iyo sidii haweenku ay uga qaybgali lahaayeen saaxadda Siyaasadda, isla markaana ay taageerayaan inay doorashooyinku xilligooda ku qabsoomaan heer kasta oo ay yihiin

Ugu dambayn, waxay sheegeen inay Baarlamaanka iyo Goleyaasha Wakiillada kala shaqeynayaan arrimaha haweenka iyo qoddobada kale ee lagama maarmaanka ahba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker