Ardey Reer Shiinaha ah Oo Afduubtay Maamulaha Xaruntooda Waxbarasho

Booliiska Shiinaha ayaa sheegay in ardey ay xidheen maamulaha xaruntooda waxbarasho, kadib markii ay ka walwaleen in heerka shahaadooyinkoodda hoos loo dhigi doono.

Warar ayaa sheegaya inuu jiro qorshe lagu doonayo in machadka Nanji lagu biiriyo xarun kaloo farsamada gacanta ah, oo ku taalla gobolka Jiangsu, taasoo la sheegay inaaney tayo badneyn.

Ardeyda qaarkoood ayaa lasoo warinayaa iney dhaawacmeen, kagadaal markii booliiska ay u isticmaaleen kala eryiddda banaan baxooda budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Banaanbaxyada noocan kale ah waa kuwo kuyar dalka Shiinaha.

Dad isticmaala baraha bulshada, ayaa soo bandhigey sawirada booliiska oo u isticmaalaya budad iyo suntan dadka kaga ilmeysiisa ardeyda.

Haweeney kamid ah ardaydii banaan baxeysay ayaa la arkayey, taa oo uu madaxeeddu dhiig ka imanayo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker