Somaliland Oo Cashar U Dhigaysa Geeska Africa Iyo Caalamka

Guud ahaan gobolada dalka waxa si nabadgelyo ah uga socota doorashadii isku sidkanayd ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, iyadoo shacabkuna ay si habsami ah codadkooda u dhiibanayaan.

Gobolada Toghdeer, Awdal, Sanaag, Saaxil, Sool iyo degmooyinka hoos yimaada goboladaas waxay sheegayaan in doorashooyinkaas ay si nabadgelyo ah saaka uga furmeeen goobihii codbixintu, dhammaan degaanadii loo qorsheeyay.

Waxa Iyana hannaanka ay doorashooyinkaasi u dhacayaan kormeero kala duwan ku soo maray masuuliyiinka gobolada dalka iyo kuwa xisbiyada qaranka ee ku sugan gobolada dalka, waxaanay bulshada u jeediyeen hadalo la xidhiidha sidii ay doorashooyinkaasi u noqon lahaayeen kuwo u dhaca si xor oo xallaal ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker