Ra’iisul Wasaaraha UK Oo Ku Guursaday Carrie Symonds Xaflad Qarsoodi Ah

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sida la sheegay gacalisadiisa Carrie Symonds ku guursaday xaflad qarsoodi ah oo ka dhacday kaniisadda Westminster Cathedral.

Arooska oo shalay dhacay waxaa ka soo qeyb galay saaxiibbada lammaanaha iyo qoysaskooda, sida lagu daabacay dhowr wargeys.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Wargeyska The Mail ayaa tebiyay in ilaa 30 qof lagu martiqaaday xafladda, waanatirada ugu baan ee loo ogol yahay inay xaflad ka qeyb galaan marka la raacayoshuruucda xayiraadaha Covid ee England.

Ms Symonds, oo 33 jir ah, ayaa markii ugu horreysay ee la sheegay inay xidhiidh leeyihiin Mr Johnson, oo 56 jir ah, waxay ahayd horraantii 2019.

Waxay labadooduba bishii Febraayo ee sanadkii hore shaaciyeen inay isku doonan yihiin isla markaana ay uur leedahay, Wiilkooda Wilfred, ayaa dhashay bishii Abriil ee la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker