” Hargeysa Ayay Ceeb Ku tahay Hadii Dib Loo Doorto Maayir Soltelco “

Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq dhamme ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa in aanay dooran Mayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko.

Xoghaye dhamme ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa facbuugiisa,kaas oo u dhignaa sidan:-

Yaa leh masuuliyadda qashinka biyo-mareenada?

 

Sida uu dhigaayo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer/Lr23/2002 Qodobkiisa 36ad, Dawladdaha Hoose ayaa ka masuul ah dhamaan adeegyadda Bulshadda ee Degmadda, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin adeegyadda Nadaafadda & Faydhawrka. Qashinka la soo raaciyo laagaha iyo biyo mareennada waa ka yaalla xaafadaha aan awoodin lacagta ay qaadaan shirkadaha qashinka gura.

Xeerka maaraynta qashinka iyo fayadhawrka Xeer/ Lr 83/2018 wuxuu ku waajibinayaa shirkadaha qashinka in ay guraan oo aan la gurin qashinka lacagta oo keliya, waxaana ku ilaalinaysa oo leh masuuliyada iyo hubinta shaqada shirkadaha golayaasha deegaanka ee magaalooyinka. xeerkan qodobkiisa 5aad faqradiisa 4aad wuxuu sheegayaa ” In ay Shirkaddu ka mas’uul tahay dhammaan nadaafadda Waddooyinka, Goobaha Dadweynaha, Goobaha qashin Ururinta, bakhtiga, Biyo Mareenada, Xaafadaha danyarta iwm ee ku yaala Aaga/Waaxda amaba Degmada ay u xilsaaran tahay, waxanay u wada shaqayn doontaa bulshada ladan Iyo danyarta si isku mid ah, mana dhici karto in shirkadu noqoto mid lacag urursi u taagan balse wax ku celinaysa bulshada keeda jilicsana adeeg lacag la’aan ah u fidinaysa”

Goobaaha dad weynaha, laagaha, dugsiyada, dooxyada, waddooyinka, danyarta iyo meel kasta qashinka yaal waa shaqada iyo masuuliyadda golaha deegaanka, waxaan guraaya oo lagula xisaabtamayaa shirkadaha maalyiinta doollar ka sameeya adeega qashin gurka. xashiishka u badani maanta wuxuu yaal goobaha dad weynaha iyo xaafadaha danyarta cid xil iska saarta iyo Maayar ka damqadaa ma jiro.

Shirkadaha qashinka gura waxay innaga qaadan lacag joogta ah, waa macaash weyn oo ay ka sameeyaan adeeg aynu xaq ugu leenahay golaha deegaanka. ma jirtaa cid ku ilaalisa xeerka siiyay in ay guraan qashinka? Lacagaha buuran ee laga qaado shirkadaha biyaha, suuqyada, sariibaha, xoodadka gawraca, guryaha iyo goobaha ganacsi ma innagu soo celiyaan shirkaduhu in ay guraan qashinka danyarta iyo goobaha dad weynaha? maya waxay guraan oo keliya qashinka lacagta ah ee guryaha ladan.

Miisaaniyadda u badan ee golaha deegaanku ansixiyaan waa lacag qashin gur, gurigaaga qashin gurkiisa yaa bixiya? lacagta adag ee qashinka loo qorsheeyay halkee martaa? cashuurtaada maxaa laguugu qabtaa? waxa ku horyaal xisaabtan weyn madaama aan kugu baaqan cashuuri muwaadin ! madaama ay gacantaada ku jirto doorashada mudanaha qashinka kaa nadiifin lahaa, dooro mid kula dareena oo ha dooran mid kaa shaqaysta.

Ha dooran Maayarka qashinka maare u waayay !

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker