Dad Lagu Dhaawacay Toorey Xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH)

Ugu yaraan Afar qof ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac toorey loogu geystay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas. Labo ka mid ah ayaa qaba dhaawac daran.

Qof looga shakiyay inuu falkaas geystay ayaa lagu xidhay meel u dhow Bastille kaddib markii uu booliisku sheegay in hal qof uu ka baxsaday goobta.

Ciidamo ammaanka suga ayaa la geeyay meelaha u dhow xafiisyada. Shacabka ayaana loo sheegay inay halkaas ka fogaadaan.

Weerarkan wuxuu ku soo aadayaa inyadoo maxkamadeyn heerkeedu sarreeyo ay ka socoto Paris, taas oo lagu maxkamadeynayo 14 qof oo lagu eedeeyay inay kooxaha jihaad doonka ah ka caawiyeen weerarkii 2015 lagu qaaday waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo, weerarkaas oo lagu dilay 12 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker