Komiishanka Doorashooyinka JSL Oo Mushaxiinta U Diray Digniin Guud.

Warsaxaafadeedka Guddida anshaxa iyo Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka  ayaa digniin u diray musharixiinta kaasoo  u dhignaa sidan:–

“”Sidaynu wada ognahay Doorashooyinka isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL waxaa loo asteeyay 31St May, 2021 waxaana ka Soo horayn doonta Ololaha Doorashada oon mudadiisiina wali la astayn, waxaana murashaxiinta qaarkood bilaabeen olole aan wakhtigiisii la gaadhin, taas oo sharci daro ah. Xisbiyada Qaranka waxaa la farayaa in ay murashaxiintooda ku ilaaliyaan sidii ay u ixtiraami Iahaayeen sharciga loo asteeyay Ololaha Doorashadda.

Sidaa daraadeed cidkasta oo u hoggaansami wayda sharciga Doorashooyinka waxay la kulmi doonaan anshax marin waafaqsan Xeer LR . 91/2020 & Xeerka Habdhaqanka Xisbiyada Qaranka ee Doorashadda ee Xeer Lr. 04/2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker