Xoghayaha Ururka Islaamka Oo Si Adag Uga Hadlay Xadgudubyada Ay Israa’iil Ka Waddo Dhulka Falastiin

Haddal uu ka jeediyay xoghayaha ururka iskaashiga islaamka mudane Yuusuf Al-Cuthaymiin kulanka Wasiirada arrimaha dibadda ee ururkaas ayuu ku canbaareeyay xadgudubyada Israa’iil ay ka waddo goobaha barakeysan ee dhulka Falastiin.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saarto sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo gardarada Israa’iil ay ku heyso shacabka Falastiin.
Xoghayaha ayaa sheegay in ururka islaamku garab taaganyahay shacabka Falastiin kana shaqeynaayo sidii uu ku heli lahaa dowladd ay caasimad u tahay Qudus.

Xoghayaha ayaa uga mahadceliayay dowladda boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan isagu yeertay sida ay u garab taaganatahay xuquuqda shacabka Falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker