Wasiiro Oo Kormeeray Dhismaha Waddada Laascaanod Iyo Kalabaydh

Wasiirrada Gaadiidka Iyo Hawlaha Guud Somaliland oo Kormeeray Dhismaha Waddada Laascaanod Iyo Kalabaydh.Wasiiradda Wasaaradaha Horumarinta Jiddadka iyo Hawlaha Guud ayaa soo kormeeray dhismaha Waddada Laascaanood iyo Kala baydh oo Xukuumada Somaliland hirgalinayso.

Wasiiradan ayaa u kuurgalay hannaanka ay u socoto dhismaha waddadaasi iyagoo warbixino ka dhagaystay Khubarada gacanta ku haysa Dhismaha jidkan oo meel wanaagsan maraya.

Xubno ka mid ah duqayda gobolka Sool ayaa Xukuumadda Somaliland ku amaanay kaalinta muga leh ee ay ka qaadatay dhismaha waddadan .

Sidoo Kale Gudoomiyaha Gobolka Sool, Duqa Magaaladda Laascaanood Iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamadda qalabka sida ayaa Sheegay in Jidkani uu qayb weyn ka qaadan doono horumarka Gobolkaasi ka socda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jiddadka Mudane C.laahi Abokor iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C.rashiid Ducaale Qanbi ayaa bulshadda gobolka Sool uga mahadceliyey sidii diiranayd ee ay gobolkaas ugu soo dhaweeyeen, Waxaa kale oo ay Mahadnaq u direen Shaqaalaha hay’adda horumarinta waddooyinka iyo Guddida ka qayb qaadanaysa dhismaha waddadan Waxayna sheegeen in dhismaha jidkan oo meel wanaagsan maraya ay ku rajo weyn yihiin inuu ku soo idlaado wakhtigii loo qabtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker