Bal is bar-bardhig Ganacsade Ahmed Cisman Geele (ina Geele Arab) iyo Gancasatada Somaaliland ee ilma jinni boqor. qalinkii A/rahman Fidhinle UK

Ganacsade Ahmed Cimaan Geele ( ina Geele Arab )

1-  Waa geesi maalgelin balaadhan ku sameeyey Somaalilaan Bari ilaa Galbeed; Wuxuu dalka ka dhisay Wershada COCA COLA oo ah Wershad caalami ah oo uu ku maalgeliyey lacag dhan $35 million oo dollar. Waxaana Wershedaa iyo wax soo saarkeeda ku nool oo ka shaqeeya shaqaale gaadhaya 5 kun oo muwaadiniin reer Somalilaan ah. Ganacsaduhu wuxuu si mug leh uga  qayb qaatay kobcinta wax soo saarka dalka iyo kobcinta heerka nolosha bulshada Somalilaan.

2- Gancasaduhu  Wuxuu ka qayb qaatay soo nooleynta Mashruucii lagu fashimay ee Beenweyne ( Xunbo weyne ) kaa soo ku maalgeliyey lacag dhan $5 million oo dollar waxaa kale oo uu ka qayb qaatay Goobo shaqo abuur oo badan iyo guud ahaan kobcinta horumarinta dhaqaalaha dalka Somaalilaan .

3- Ganacsaduhu wuxuu Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Togdheer ka qoday ceel oo kuwa dhaadheer ah iyo5 kuwa gaaban ah isaga oo ku maalgeliyey lacag dhan $2 million oo doolar. ninkaa muwaadinka ah ee hantidaa tirada badan dalka gashaday ayaa lagu sheegay. nin Ajanebi ah oo dhalasho kale qaatay, waxaa lagu sheegay nin tuug ah oo lacag soo dhacay, Waxaa lagu eedeeyey nin nabadgelyada Somalilaan khalkhalinaaya. Waa taa Cadaaladii Xukuumada Kumiye !

4- Su’aasha qarnigu waxay tahay Ganacsaduhu ma Dhagar buu ka galay Dawlada Jabuuti iyo shacabkeeda  – Waa maya ! Hadaa maxaa lagu haystaa?Waxaa laysku hayaa waa aduun iyo Sandule Saami nagu sii  hadii kale xoolahaaga ayaanu bililiqaysanaynaa taasina way dhacaday. Waxaana ummadda u muuqata in si qarsoodi ah loogu heshiiyey Gancsadaha.  Dastuurka Somalilaan Qodobkiisa 11-aad  farqadiisa 3-aad  Wuxuu qeexayaa in maalgelinta Shisheeyey ee dalka gudihiisa ay dawladu udamaanad qaadayso xeerna lagu nidaaminaayo. isla Qodobka 35-aad farqadiisa 2-aad ee Dastuurka qaranku wuxuu qeexayaa in aanay marna banaaneyn in muwaadin reer Somalilaan ah loo dhiibo dawlad shisheeye.Sidaa Daraadeed Xukuumada Somalilaan waxaa looga fadhiyaa in sharciga loo sinaado oo ay Xurmeyso sharafta, Sumcada iyo Karaamada Ganacsade Ahmed Cisman Geele.Xukuumada waxaa looga fadhiyaa in Xoolaha ka maqan ganacsadaha ay la baadi-doonto.

5-Gansade Ahmed Ciman Geele  marna kamuu qayb qaadan hagardaamooyinkii qabyaaladeysnaa ama xulufeynaa ee dalka lagu boobay mudadii kulmiye.

Bal aynu diirada yara Saarno Gancasatada Dhigiisa ah ee ilma jinni boqor ee Xukuumadu ay mar walba sharaftooda iyo Karaamadooda ilaaliso:

1- Ganacsatadan ilma jinni boqor waxay ka qayb qaateen dhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadihii kulmiye dalka hagaysay .Waxaana ay ku milmeen Caqiidadii siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan,

2-  Ganacsatadani waxay ka qayb qaateen Musuq-maasuqii iyo maal-urursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana ay  qayb ka ahaayeen ku tagri falkii hantidii ummadda baahan, waxaana ay noqdeen jileyaasha qarsoon ee ku gafanoobay naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa.

3- Ganacsatadani waxay hormuud ka ahaayeen Cadaalad daradii iyo ceebihii dalka ka dhacay oo dhan, dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmay iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadii Kulmiye, sida Boobkii dhulkii danta guud iyo siyaabihii loogu tagri falay  hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummaddu wada laheyd..

4- Ganacsatadani waxay hormuud u ahaayeen hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa ee dadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay..

6- Ganacsatadani waxay bays iyo baleysin u ahaayeen caro-qaad kii shir beeleedyada iyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan.

7- Ganacsatadani waxay hagayaal ka ahaayeen Siyaasad xumadii  Jeegaameysneyd ee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas oo dalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeynta maanta dalka ka  bilaabantay.

8-  Ganacsatadani waxay lacagtooda ku bixiyeen xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu  curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.”

9-  Ganacsatadani waxay lug ku lahaayeen dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid.

10- Ganacsatadani waxay qaanuunanadii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaa ee JSLu bedeleen qabiil, codkii muwaadinka xorta ahaana way isireeyeen oo waxay ku khasbeen in qabiil waliba uu la tago codkiisa muskiisii iyo miscirirtiisii, arintaana waxaa markhaati iyo marag kuugu filan doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday oo gobolada  qaarkood lagu arkay iyaga oo lacag shacabka ugu qaybinaaya ama like ka qodanaaya.

11-Ganacsatadani waxay ku milmeen Cadaalad daradii  dalka ka dhacay, hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyey  mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka  sida is gaadhsiinta , leydhka, Biyaha iyo Mashaariicda DPW ee Dekeda Berbera  oo ay hawada ku qaybsadeen keligood.

Gebogebo: Hadii mabd’a lawada yeelan waayo oo sharcigu sareyn waayo waxaa dhici karta in shacabku sharciga gacmahooda ku qaataan oo dalku uu burburo. danta guud ee Somaalilaana waxay ku jirtaa maanta in dalka lagu soo dabaalo Kefadii miisaanka ee sharciga aheyd.

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker