Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dalka Djibouti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Waxaan ku soo laabtay Caasimadda Muqdisho ka dib markii aan Djibouti uga qeyb galay caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxdii Gobolka ee aan Djibouti isku aragnay waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim u ah xasilloonida gobolka geeska Arika,” ayuu ra’iisul wasaare Rooble ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti ayuu Ra’iisul Wasaaraha Maxamed  Xuseen Rooble ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay.

  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker