Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midawga Yurub

Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub & Xubno Xafiiskiisa ka tirsan, kuwaasoo Komishanka kuusoo booqday Xaruntooda Hargeysa.

Xubnaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa Safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay Diyaargarawga qabashada Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanada JSL.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa safiirka u sheegay in Komiishanki ay soo saareen Liiskii Codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee sida gaarka ahna loogu galayo doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilladda iyo deegaanka Waxaa kale oo gudoomiyuhu cadeeyay inay soo gaadheen dalka Waraaqihii Codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Kulanka ayaa ugu dambayntii kusoo idlaaday Isgarad buuxa iyo Iskaashiga & Wada-shaqaynta in la sii xoojiyo.

Safiirka ayaa Komiishanka doorashooyinka Qaranka & guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee Doorashooyinka & Dimoqraadiyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker