Dawladda Turkeyga oo bilawday Mastaafurinta Maxaabiistii ay Gacanta ku Haysay ee Daacish

Turkiga ayaa dalkiisa ka masaafuriyay muwaadin u dhashay Mareykanka oo ka tirsanaa dagaalyahanada Daacish, sida laga soo Xigtay sargaal ka tirsan dowlada Turkiga.

Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Ismaaciil Catakli ayaa u sheegay wakaalada wararka dowlada ee Anadolu in todoba dagaalyahan oo u dhashay Jarmalka ay masaafurin doonaan 14-ta bishan November.

Catali ayaa dhanka kale ka gaabsaday in macluumaad dheeri ah uu ka bixiyo dagaalyahanada daacish ee ku sugan Turkiga iyo dhalashadooda, balse waxuu tilmaamay in ay ku sugan yihiin xarumaha Tarxiilka.

Mareykanka iyo Jarmalka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dadaalada uu turkiga ku tarxiilayo dagaalyahanada daacish ee u dhashay Wadamadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker