Muj Maxamed Cali : Askari lasoo dagaallamay Yuhuudda oo la safnaa ururka xoraynta Falastiin

Ninkan waxaa lagu magacaabaa Maxammed Dalmar Yuusuf. (Maxamed cali ku caan ahaa).
Wuxuu ahaa askari lasoo dagaallamay Yuhuudda oo la safnaa ururka xoraynta Falastiin (Palestine Liberation Organization). Sidoo kale wuxuu wakhti un ka qayb qaatay dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ka socday 1975 illaa 1990; ma hubo qolada uu la safnaa. 1977 wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii lagu qaaday Itoobiya. Xilligii jabhadahana wuxuu ku biiray oo u dagaallamay SNM. Mujaahid dhab ah, SNM marbaa la odhan jiray xertii maxamed cali .
Wuxuu ku dhintay dagaalkii burco lagu galay 1988 oo uu hogaaminaayey isagoo markaa cadaadley ilaa madheera soo maray,waxaan anigu ahaa goob joog wuxuu ahaa dagaal lagu hoobtay wuxuu ka dhacay tuulada burco ka sokaysa oo isku xidha ama soo galaan afar wado,wadada burco ilaa hargaysa,oodwayne ilaa berbera afartaa wado ayaa mara ama ay isku xidhaa,
Maalintaa maxamed dalmar yuusuf ku caan ahaa maxamed cali wuxuu ahaa hogaamiye yaqaan strategyada dagaalka wuxuu ku dhaawacmay masaajidka magaalada ku dhex yaal .
Wuxuu kula dardaarmay maalintaa in haddii ay xabadi ku dhacdo aan la qaadin oo wuu kala dardaarmay waxbaa la tusi jiroo wuxuu yidhi haddii aad i qaadaan waad igu mashquulaysaan oo waad jabaysaa.
May qaadin taladii wayna qaadeen markii uu dhaawacmay .
Waxaa meesha ku kulmay dagaal afar erdood ah hargaysa iyo burco ciidan lagaga soo saaray berbera iyo oodwayne ciidan lagaga soo saaray waxaa soo dhan ayuu u jilib dhigay.
Maalintaa magaalada waa la gubay guud ahaan wxaa dhammaan lala dhacay madaafiic oo gunta laga wada dalooliyey barkadihii, waxaa la gubay guryihii waxaa la burburiyey daarihii,
Dadka waxaa laysugu xidhxidhaayey shan shan sidaana waa lagu laynaayey waxaa ka mid ahaa dadka maalintaa laysku xidhay eng diiriye xiiray aabihii ayeyday aamina cabdi laba guri oo daar ah oo ay ku lahayd magaalada labadiiba dhulka ayaa lala simay wixii ka soo hadhayna waa al gubay,
Magaaladii ahayd strategyada waxay ka dhigeen lama dagaan iyo ka guureen ragga maalintaa maxamed cali la socday ee jilibka u dhigay waxaa ka mid ahaa muj xildhibaan xasan cabdi xasan dugulo.
Ninkii pilotka ahaa ee hawiye ayaa maalintaa wuxuu gubay laba kaare iyo dhawr kale isagoo Ka cadhooday dadka sida arxandarada ah ee loola dhaqmaayo,
Dadka shacabka ah taayirka ayaa lagu laynaayey meeshoo ban u badnayd awgeed .
May be an image of text
May be an image of 1 person and beard
Alle ha u naxariisto muj maxamed cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker