Israa’iil oo u sheegtay muwaadiniinteeda inay ka baxaan Masar iyo Urdun

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in dawladda Israa’iil ay muwaadiniinteeda ku sugan Masar iyo Urdun u sheegtay inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan.

Wakaaladda wararka ayaa soo xiganaysa bayaan ka soo baxay golaha ammaanka qaranka Israa’iil, kaas oo sheegay in ay sare u qaadayaan digniinaha safarka ee Masar (oo ay ku jirto Sinai) iyo Urdun ilaa heerka 4 (khatarta sare eh): talo bixinta in aan loo safrin dalalkan iyo in kuwa sii joogaya ay ka baxaan … sida ugu dhaqsaha badan”.

Horraantii toddobaadkan, heerka digniinta ayaa sidan oo kale kor loogu qaaday Turkiga iyo muwaadiniinta Israa’iil ee halkaas ku sugan ayaa lagu amray inay baxaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker