Suldaan Cadde-gude Oo Sheegay inay Dhawaan shaacin doonaan Heshiishka ay la Gaadheen Kornayl Caarre

Hargeysa (OWN)-Guddoomiyaha Guddida Beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Cadagude, oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Kornayl Caare, ayaa sheegay in hawlaha dhexdhexaadintu ay hadda meel wanaagsan marayaan, kuna rajo weyn yahay inay guul iyo isfahan ku dhammaadan.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Oodwaynemedia kaddib kulan uu la yeeshay Kornayl Caarre, ayaa caddeeyey in uu jiro heshiis arrintan laga gaadhay, waxaanuu ballanqaaday in qodobbada heshiiskaas la soo bandhigi doono.

“Imika meel wanaagsan bay wax marayaan, ILLAAHAY idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa inay wax walba khayr inoogu dhammaadaan” isaga oo intaayaa uu yidhi Suldaan Cadde-gude.

Dhinaca kalana, Madax-dhaameed ka tirsan beesha Garxajis oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Buuraha Gobolka Sanaag ee fadhiisinka u ah jabhadda ayaa kulamo la yeeshay Kornayl Caarre. Iyada oo shabakadaha wararku ay faafiyeen sawirrada madax-dhaqameedka ergada ah oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Kornayl Caarre.

By Suxufi Sinyoore Oodwaynemedia Hargays aofficer

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker