Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay saldhigga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo ku yaalla meel aan ka dheereyn isgoyska Dabka.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas ee la xaqiijiyey waxaa ka mid ah Taliyahii saldhigga booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane oo ku magac-dheeraa Taliye Calooley, halka dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen saraakiil iyo askar ku sugnaa goobta.

Sidoo kale saraakiisha dhaawaca ah waxaa ku jira sida la sheegay Taliye ku xigeenkii saldhigga la qarxiyey ee Waaberi.

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro khasaare xoog leh oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee goobta marayey, maadaama isgoyska Dabka ee saldhigga u dhaw uu ahaa mid mashquul badan, welina lama xaqiijin karo inta uu dhanyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa saldhigga Waaberi + Sawirro 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker