Agaasimaha Cusub ee Telefishanka Qaranka Somaliland oo Xilkii la Wareegay

Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) ayaa maanta xilkii la wareegay.Waxaa xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ka soo Qaybgalay  Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Hawlwadeennada Wasaaraddaas, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan.

 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Eng. Xuseen Buuni ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka Agaasimaha Telifishanka Qaranka ee loo magacaabay Maxamed Xasan Cali (Weji) waxaanu xusay in Ra’yul-caamka bulshadu si ballaadhan u soo dhaweeyeen magacaabistiisa oo uu uga mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta.

 

Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka  Maxamed Xasan Cali (Weji) ayaa sheegay inuu xilkan loo magacaabay u gudan doono si xilkasnimo leh isla markaana uu rejaynayo waxa dadweynuhu ka filayaan inuu noqdo kii wax ka qabta.

 

Waxa kaloo xafladaas ka hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Marwo Yurub Abiib iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta, Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxaanay ka warameen taariikhda iyo kartida  Agaasimaha cusub ee Telefishanka Qaranka.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay  in Agaasimaha cusubi uu yahay nin karti leh , wuxuuna ballanqaaday in shaqaalaha dedaalka muujiya lagu abaalmarin doono dalacaad .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker