Dawladda Sucuudiga Oo War Ka Soo Saartay Dhoofka Xoolaha Soomaalida

Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto.

 

Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaalida laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay.

 

Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaalidu ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka.

 

Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama.

 

Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaalida, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.”

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaalida ee la joojiyey.

Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga

Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker