Baroordiiq

ٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةٞ قَالُوٓاْ إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّآ إِلَيۡهِ رَٰجِعُونَ

 Baroordiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar, xaaskiisa Ruqiya Xasan iyo carruurtooda oo deggan magaalada Bolton ee dalka Ingiriisku, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan; dhammaanba reer Cumar sheekh Muxumed Warsame oo ku baahsan daafaha caalamka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Gabiley, iyaga oo ka tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Cabdullaahi oo maalintii Khamiista oo ay bishani Maay ahayd 6da/ 2021ka ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay; dooxa Agamsaha ee u dhaxeeya magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo.
Waxayna baroordiiqdaasi si gaar ah ugu dirayaan: ubadkiisii iyo tafiirtooda iyo dhammaanba ehelada kale ee ku sugan dalka Somaliland iyo dibadiisaba – waxayna si gaar ah uga tacsiyaynayaan; walaashood Kaltuun Cumar sh. Muxumed oo ah xaaskii u ka dhintay Alle naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Cabdillaahi iyo dhammaanba eheladiisii oo deggen magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.
 
Waxayna Ilaahay ka baryayaan, in uu Dr Maxamed geeyo jannadiisa Firdowsa. Ubadkiisii, ehelada, asaxaabta iyo bahda caafimaadkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 
Allahayoow Aamiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker