Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar?

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA.

Wakaaladda wararka ee Qatar waxay sidoo kale heegtay in ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi farriin uu ka siday Amiirka Qatar uu gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Farriintan ayaa la sheegay in ay sidoo kale ku saabsanayd xidhiidhka  labada waddan, iyo muhiimadda dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhacda, si looga dhabeeyo xasilloonida waddanka, sida lagu sheegay farriintaasi ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker