Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Qaatay Wefdiga Safiirka Ingiriiska

Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey.
Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI.
Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada.
May be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and suitMay be an image of one or more people, outdoors and treeMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more people, people sitting and people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker