“Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa ka danbaysay daacad-na aan ka ahayn in xal waaro loo helo Colaada Ceelafweyn ” ……Suldaan Cismaan Cali Madar

Suldaan Cismaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland gaar ahaan Salaadiinta Beesha Garxajis ee  ayaa si adag uga hadlay xaalada Guud ee uu dalka Somaliland marayo,Waxa uu sheegay in Somaliland ay god Madow ku sii socoto islamarkaana lagu bad baadin karo oo qudha iyadoo dib loogu noqdo cahdigii iyo mabaadiidii lagu aasaasay,waxa uu sidoo kale ka hadlay qadiyadda Ceel Afweyn iyo Colaada beelaha Walaalaha ee aan wali arinteeda la xalin waxaana uu ku dhaliilay xukuumaddii hore ee Siilaanyo inaanay daacad ka ahayn,tan Muuse Biixina aanay wali daacad ka noqon.

 

Suldaan Cismaan Cali Madar ayaa hadalkan ka jeediyay Xidhitaankii shirkii Gacan Libaax ee ay Beeshiisu Todobaadkii hore qabsatay,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Somaliland maanta God madaw ayay kuu sii socotaa,Waa hubaal weeyi,God kaasi madow ee ay kusii socoto bad baadadeedu inay tahay in lagu soo celiyo oo mugdigaasi laga soo saaro oo la keeno halkii iyo wixii ay umaddu u samaysatay iyo halkii ay umaddu ku wadaagi lahayd dib loogu soo celiyo,waxaanu shirkan u qabanay taasi weeyi,Way muuqataa, idinka ayaa og,cid walibana waa ogtahay,Sidaasina Somaliland,Somaliland ku noqon mayso,Cidda Xil ku haysaana Xil ku hayn mayso,Waxaanu fariinta leenahay oo aad idinkuna nagu tidhaahdeen oo aad nagala mid tihiin,oo aynu u diraynaa inay u dhego nuglaadaan Somaliland wada lahaanshiyaheedii,Wadaageedii,Taladdeeda Iyo Tamarteedii,iyo wax kasta oo la xiidha in lagu soo celiyo,oo mid lawada leeyahay oo loo siman yahay gees illaa gees ay timaado”.

 

Isaga oo ka hadlaya Colaada soo noq noqotay ee Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee ka dhex aloosan laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada dega ayaa waxa uu sheegay inaanay Xukuumaddii hore ee Siilaano iyo tan hadda joogta ee Muuse Biixi aanay daacad ka ahayn in xal waaro loo helo Colaadaasi “Anigu lixdan habeen ayaan joogay Ceel Afweyn,iyo wafti badan oo ila socday,Waxa Xaqiiqo ah, Dawladii hore ee Xilka ka degtay ee Siilaanyo ee barigaasi hoogtayna inaanay daacad ka ahayn oo ay dabada ka riixaysay oo iyadu sii hurinaysay,ta maanta joogtaana inaanay wali daacad ka noqon”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Suldaan Cismaan Cali Madar.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker