Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Gudibayay Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI dacwad ka gudbin doono musharraxiin ka sharraxan Xisbiga Kulmiye oo Somalia xilal ka soo qabtay iyo kuwo aan buuxin shuruudaha musharraxnimada.

“Haddii Musharrax Qaasim Saleebaan lagu eedaynayo Xamar buu tagay, waxa Xisbiga Kulmiye ka sharraxan nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil, ninkaasi wuxuu xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya muddo ka badan 8 sannadood, maxaa Qaasim Saleebaan oo lagu eedaynayo Xamar buu tagay u xidhan yahay ninkaasina u wataa ololihiisa? Xisbiga WADDANI ugu yaraan dhawr iyo toban kiis oo ka dhan ah musharraxiinta Xisbiga Kulmiye ayuu u gudbinaya garsoorka kuwaas oo qaarkood Soomaaliya xilal ka soo qabteen, qaar aanay shahaado haysan qaarna aanay shuruudaha buuxin. Waxa aanu rajaynayna in garsoorku arrintaas aqbalaan oo caddaaladda qaadan,” ayuu yidhi Mudane Xuuto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker