KARIS XUN IYANA WAX KU LA’ !!

Hambalyo  Hambalyo Hambalyo Murashaxiinta Xildhibaanka Golaha Wakiiladda  Gobolka Sanaag Cali Ducaale Jid Xun(Cali Qalooc) Iyo Golaha Deegaanka Ee Ceerigaabo Cawil Faarax Maxamuud,
CabdulRaxmaan Maxamuud Jaamac
(Gaadhi Jiid) Hiil Iyo Hooba Waanu Idiinka Garab Taaganahay Insha Allaah.
Inkastoo Madaxdhaqameedku Ku Deg Degeen Qaban Qaabada Ama Xulista Ama Ku Dhawaaqista Xildhibaanadda Yadoo Ay Xildhibaanadda Deegaanku Sharaxayn Yihiin Dhalinyaro Badan Oo Tiro Ahaan Gaadhaysa Konton Dhalinyaro Oo U Baahan In Shaqsi Kasta Lagu Kala Saaro Qudbado Ay Ka Jeediyaan Shirwayne Beelaha Uduruxmiin U Dhan Yihiin, Oo Afarta U Qalma Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Ee Kaalimaha Koowaad Ka Gala Loo Soo Xulo Golaha Deegaanka Tusaale Ahaan:-
 1. Beelaha Xasan Axmad Uu Metelo Hal Xildhibaan Oo Deegaanka Ah.
2. Beelaha Reer Siciid Uu Metelo Hal Xildhibaan Oo Deegaanka Ah.
3.  Beelaha Reer Adaraxmaan Laga Soo Xulo Hal Xildhibaan Oo Golaha Deegaanka Ah,
4.Beelaha Cumar Muxammad Laga Soo Xulo Hal Xildhibaan Oo Deegaanka Ah Insha Allaah.
Xildhibaanadda U Sharaxan Golaha Wakiiladda Ee Beelaha Uduruxmiiin Muuse Waxay Gaadhayaan Sodon Murashax Oo Ah Dhamaantood Ragg Xul Ah Oo Aan Noqonayn Ragg Xal.
Madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Dhalinyaradda Iyo Haween Waynaha Beelaha Uduruxmiin Muuse Waa Inay Ku Dhawaaqaan Shirwayne Beelaha Uduruxmiin Muuse Ku Kala Saarayaan Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Wakhtiga Doorashadda Wakiiladdu Ka Hadhsan Tahay Ugu Badnaan Afar Bilood Oo Wakhti Munaasib Ah Shirka Lagu Dhawaaqo Si Ay Uga Soo Qayb Galaan Murashaxiinta Damaca Leh Ee Kala Jooga Wadanka Gudihiisa Iyo Wadamadda Dibadda Insha Allaah.
Murashaxkasta Waa In La Dhagaysto Khudbadiisa, Deegaamadda Beelaha Uduruxmiin Wuxuu Ka Qabanayo, Deegaamadda Gobolka Sanaag Wuxuu Ka Qabanayo, Nabadgelyadda Gobolka Sanaag Iyo Goboladda Kale Ee Somaliland Wuxuu Ka Qabanayo, Xulashaddiinu Waa Inaanay Noqon Hadba Ninkii Dhaqaale Haysta, Xildhibaanadduna Waa Inaanay Noqon Af Duub, Koox Dano Gaar Ahi Wadato.
Madaxdhaqameedka, Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Ganacsatadda, Dhalinyaradda Iyo Haweenka Beelaha Uduruxmiin Muuse Waa Inay Ka Digtoonaadaan Khalad Dambe Oo Ay Mar Labaad Ku Dhiiradaan, Haddii Khaladkiinu Bato Waxaad Ogaataan Inay Beelaha Uduruxmiin Isla Degayaan Murashaxiinta Xildhibaanadooda Deegaanka, Oo Sadexda Xisbi Qaran Iska Soo Sharaxayaan Lix Xildhibaan Oo Golaha Deegaanka Ah.
Murashaxiinta Golaha Wakiiladuna Iska Soo Sharaxayaan Sadexda Xisbi Qaran Sadex Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda.
Soomaalidu Waxay Ku Maah Maahdaa
Karis Xun Iyana Wax Ku La’
Wax Badso Wax Beel Ayay Keentaa.
Murashaxa Golaha Wakiiladda Gobolka Sanaag
Insha Allaah.
Axmed Aadam Maxamuud.
Somaliland Guul Iyo Gobonimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker