Maxkamadaha, Booliiska , Xeerilaalinta & Xukuumada Muuse waxay Shicibka Masaakiinta ku xidhaan, Xamar ayey ku riyoodeen Farmaajey isku Sawiran, Bal Faysal Cali wuxuu yidhi Somaliya ka mid ayaanu nahay, Farmaajuu isla sawirey, la casheeye, Sharciga mey hor keeni, Hayadahaasi?.

Somaliland Siilaanyo oo Daalin ahaa wuxuu jebiyey qodob dastuuriya oo ah in
aan Somaliya la hadal, isagoo dano dhaqaale uuga jeeda oo uu Reerkiisa &
Shirkada Dahab Shiil uuga jeeday inay ku helaan, andaraasyo, Maalgashi &
Boob ay ku helaan in Somaliya u saxeexdo, oo Dekedii Berberi sidaa xaqul-
qalin ay kaga qaateen Qoyskii Siilaanyo & Xukuumadiisu.
Waxa Jirta in Weriyayaal, Fanaaniin, Aqoonyahano & wax garad kale lagu
xidhay, Xamar ayaad ku riyooteen, ka soo heesteen, Farmaajo ayaad salaanteen.
Bal Hadaba, Faysal Cali Waraabe oo Gudoomiye Xisbiyo wuxuu warbaahinta
ka yidhi isagoo Biljamka Jooga Somaliya ka mid baanu nahay, wuxuu isla sawirey Farmaajo, waan la caweeyey oon la casheeyey ayuu yidhi.
Sidaas Darteed, Maxkamadaha, Booliiska & xeerilaalinta Dadka Xamar taga
ku dacweeya waa dambiilayaal qaranka Debi ka galay, oo Xamar tegey, bal
maxay ku macnayn Faysal Cali Waraabe, ma anagaa diranay oo Muuse Biixi
ayaa siiyey ruqsada uu Farmaajo ugu tegey, isula sawirey oo uu weliba ku
andacoodey Somaliya ka mid ayaanu nahay, oo Muuse Biixi & Xukuumadiisu
been ayey umada u sheegayaan, Somaliland ayaanu nahay oo Somaliya shaqo
kuma lihin, hoostana Somaliya & Maamul Goboleed ayaanu nahay.
Taliyaha Booliiska ee Dadka Masaakiinta Airportyada & uryaha RRU,yada ugu
dira ee waa qaran Dumis ku soo xidha, Faysal Cali Waraabe oo yidhi Somaliya
ka mid baanu nahay, oo kaga dhabeeyey oo Farmaajo uula tegey Somaliya ka
mid baanu nahay ee dhaqaalaha badhkayaga na siiya, bal haka soo xidho
kolkuu Airportka ka soo dego, oo dambiile Qaran, oo Farmaajo ayuu Biljamka
kula soo casheeyey ha yidhaahdo oo uu la soo shirey oo isla sawirey, oo
weliba qodob Dastuuriya ayuu Faysal jebiyey, oo wuxuu yidhi Somaliya ka mid
baanu nahay.
Sidaas Darteed, Shacabka Somaliland waxay ka sugayaan, Xukuumada, Garsoorka, xeer Ilaalinta & Booliiska hacabka ku xidha Xamay ayey ka soo
heeseen, Farmaajey u heeseen, Xamar ayey caashaqeen, oo waa Dambiilayaal
Qaran, waxay ku sheegaan Faysal?.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker