MAXAA HOR TAAGNAAN KARA BULSHO IS BEDEL DOONA ?

Baahidu waa macalinka iyo tababaraha ugu wanaagsan ee nolosha,si la mida sida qofku ugu baahan yahay tamar uu ku socdo ayuu isbedelka iyo hurumar kuna ugu baahan yahay baahi keensata oo sababta is bedel rasmi ah oo la taaban karo.
Marka laga yimaad dhaqaalaha si wadan u hormarro, waxa lagama maarmaana in la helo ficil kii ku sababi lahaa  in wadan  yeesho dhaqaale ku filan. Tusaale ahaan magaladda Dharavi ee dalka India waxay hooy u tahay in ka badan 1,000,000 oo dada waana isku-raranta (slum) ka ugu weyn qaarada Asia oo dhan iyo ta saddexaad ee ugu weyn guud ahaan adduunka. Muuqaal keeda duleed waa cooshaddo sida magaceeda laga dhadhansanayo se hoos markaad ugu soo degto waa meesha soo saarta dakhli dhan $650,000,000 sanad kiiba. Waa meesha ay ka dhacdo dib u warshadayn (recycling bussiness) aad u weyn,sida samaynta Dheriyadda (pottery),Hargaha iyo Dharka. Waxaa adag in aad hesho qof aan shaqo hayn,oo xataa guryaha/aqalada dhexdooda dumarku waa kuwo shaqaynaya.
Sababta u weyna waxaynu odhan karnaa waa baahida ka timid dad ka isku batay iyo meesha ay ku nool yihiin oo ah is ku raran.
⦁ Ma laga yaaba in sababta u weyn ee bulsho uga faa’idaysan waydo maskaxdeeda iyo muruqeeda in ay tahay in aany si dhaba u dareemin baahi ku sababta in ay labadaasi shaqeeyaan ? HA sax.. isoo raac ka waran hadaan ku idhaa in ka badan 1,500 oo xoolo ah aya lagu gawraca hal magaalo oo ka mida magalooyin ka gees ka Africa weliba si joogto ah maalin walba! Ma is leeday waxaan jirin baahi keenaysa in la manaafacsaddo kalluunka in ka badan xoolaha ama u soo dhow.
⦁ Ma laga yaaba in sababta u weyn ay tahay aqoonsi la’aan haysata bulsho si ay uga faa idaysato khayraad keeda si togan ? Haa sax.. mar kale ii ogolow in aad isoo raacdo. Dalka Taiwan wuxu leeyey goobaha caafimaad ka ee ugu wacan guud ahaan caalamka, si qofku ula kulmo dhakhar waxa kaga baxaysa $5.
i. Xaga Tegnoolajiyadda qalab ka aad u baahan tahay in aad is ticmaasho sida ayfoon (Iphone),laabtoon (laptop) ka iyo qalab ka kale ee ku shaqeeya dab ka oo dhanba waxa samaysa shirkadda Talwanese Company.
ii. Waxay kaalmaha u horeeya kaga jirta wadamada ugu wacan ee lagu noolaan karo(expats)  marka laga yimaado qof ku wadan ka uu u dhashay,uguna nolosha wacan.
⦁ Hadana wali ma haysato aqoonsi buuxa oo caalam ka oo dhan ah.
Ma is leeday ka faa’idaysi la’aanta mar saddexaad waxa sabab u noqon kara caado dhaqameedyo ay adagtay sida looga tagaa ? Waa suure in qaamuus keena laga soo waayo horumar dhaafsan in la dhergo nabadna lagu wada joogo.
Waa sidaan aminsanaa in aan la bedeli karin ka hor inta aan la kulmin arrin kan,ila arag adna. Dalka Koonfurta Kuuriya aya wuxu caado u laa daadin ta iyo ku tagri falka cunno aad u badan taas oo ay sabab u ahayd dhaqan kooda oo ahaa in cunnadiiba ay ka kooban tahay dhawr bilaydh/sixin oo cunno kala duduwana taasoo qofka noormal ka ah aanu dhamaysan karayn kulligeeda hal mar ka dibna dhaxlanaysay in la daadiyo. Celcelis ahaana 130kg oo cunno ayuu calaa qof daadin jiray sanad kiiba. Laakiin markay hillaadu ahayd 1995 ayay sameeyeen xeer cusub oo sheegaya in ay mamnuuc tahay in la daadiyo cunno.
Taa oo keensatay in la saaro ganaax lacageed oo dhan $300 oo doolar ka maraykan ka ah,qofka ka diida ama ay qabato kaameerooyin ka wax duuba ee ku yaala waddooyin ka oo dhan marka uu ku ridayo cunadda caaga ay ugu talo galeen.
Waxayna tani ka dhigan tahay in qofku uu karsado ama dalbado cunno ku filan oo aanu soo reebin hadii kalena lacag taa u diyaar garoobo iyada oo ay ku xidhan tahay hadba culayska cunadda uu soo reebay qofkaasi.
Wixii ka dambeeyey xeer kaana ma ay dhicin cunno la khasaariyo,inta ay dhacdo in ay soo hadhana waxa loo bedela tamar la isticmaali karo iyo cunnada xoolaha.
95% cunnada hadhaaga noqotay ayaan noqon mid khasaartay mar kale.
waxay ila tahay in immika aad igu raacday oo la bedeli karro caado iyo dhaqan soo jireena haddii uu bulsho u horsedi karo horumar wacan.
Marka u dambaysa ma is leeday hadaynu dhinac kale ka istaagno waxa sabab u noqon karta baraarug la’aanta bulsheed in kor loogu qaado cashuuraha si loo dar-dar geliyo qaab fikir kooda ku aadan in ay la timaado is bedel la taaban karro?
Waxaa la yidhaa waxa jira laba wax oo aan la huri karin marna waana Geeridda iyo Cashuurta.
Bal ka waran hadaan ku idhaa waxa jira magaalo xeebeed ku taala dal ka koonfurta Israa’iil oo la yidhaa Eilat. Waa magaalo guud ahaan ba aan lahayn cashuur!.. hadana wax kasta ay 17%  jaban yihiin si ay u kasbato dalxiisayaal badan.

 

Muna Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker