Madaxweyne Farmaajo oo hambalyeeyay Gudoonka Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyeeyay Gudoonka Cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

” Guddoonka Cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Dhammaystirka Doorashada Golaha Shacabku waa tallaabo bogaadin mudan oo hore loo qaaday, muhiimad wayna u leh geeddi-socodka dowlad-dhiska, horumarka iyo xasilloonida dalka.
Eebbe ha u fududeeyo Guuddoonka Cusub mas’uuliyadda loo doortay. Guddoonka waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.
Waxaan bogaadin u dirayaa Guddigii qabanqaabada doorashada Guddoonka dadaalkii ay bixiyeen, sidoo kale, waxaan si weyn u bogaadinayaa Ciidammadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga guud ee dalka iyo si gaar ah doorashooyinka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker