DAAWO: Sheekh Aadan-Siiro Muxuu Ka Yidhi Shaqsiyaddii Dr. Maxamed-rashiid Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasay ?

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka warramay Aqoonta uu u lahaa Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Hal-doorka Somaliland oo Xalay ku Geeriyooday Hargeysa isla-markaana Maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Hargeysa.

Allaah u naxariistee Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo mar noqday Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID, kana soo shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, sidoo kalena ahaa Aqoonyahan qoray Buugaag oo uu arrimo kala duwan kaga hadlay, ayaa Xanuun uu muddo u jiifay Xalay ugu Geeriyooday Hargeysa, waxaana Jimcihii Maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic, iyadoo ay Aaskiisa ka qayb-galeen inta badan Madaxda Qaranka Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ka hor intii aan la aasin ayaa waxa Salaatu-janaasa lagaga Tukaday Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee uu khaddiibka ka yahay Sheekh Aadan-Siiro, iyadoo Tukashada Salaatu-jinaasada ay ka qayb-galeen Madax uu ka mid ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi ayaan inta aan lagu tukan Meydka Marxuumka, wuxuu khudbaddii Jimcaha qayb ka mid ah kaga warramay Aqoonta uu u lahaa Marxuum Maxamed-rashiid oo uu sheegay inuu Ehelu khayr ahaa.

Sheekh Aadan-Siiro oo ka warramaya Shaqsiyadda Marxuumka iyo Sifooyinkii uu lahaa ayaa yidhi  “Walaalkeen Maxamed-rashiid Sheekh Xasan Guuleed wuxuu ka mid ahaa Dadkii dhifka ahaa ee Hal-doorka ahaa ee Somaliland lahayd, sidoo kalena ka mid ahaa Hal-doorka inta Afka Soomaaliga ku hadasha. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, dadku waa sida Macdanta, Rasuulkuna markuu Dadka Diinta u dooranayey wuxuu u doortay Abuu Bakar, Abuu Bakar siduu ahaa, wuxuu ahaa Saxaabi Taajir ah, Saxaabi Dadku ku ururraan, Saxaabi Dadka kala yaqaana oo Nin marka uu halkaa ka soo baxo u Abtirin jiray, markaa Nebigu uu Qof la kulmayo wuxuu odhan jiray Abuu Bakar iigu yeedha, dabadeedna markuu Abuu Bakar u ilo-bixiyo ayuu Rasuulku Dadkaa la kulmi jiray, Dadku waa sida Macdanaha…”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Maxamed-rashiid Illaahay dambigiisa ha dhaafo, wuxuu ahaa Nin Aqoon badan, Anigana in badan ayaanu Tacaamulnay. Sifooyinka uu Illaahay siiyey waxa ka mid ahaa wuxuu ahaa Dadka Hal-abuurka leh, ee marka arrin la waydiiyo hadalka hore u hela, muuminku waxa la yidhi waaka lagu ururo, Maxamed-rashiid wuxuu ahaa Qof aanad ka xiiso goynin, Ilaahay dambigiisa ha dhaafo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maxamed-rashiid waxyaabihii aan ku bartay waxa ka mid ahaa, Ramadaanta tobankeeda dambe ayuu ii iman jiray, waxa jira Dad badan oo jilicsan oo guryahooda wax lagu siiyo, markaa wuxuu odhan jiray yaa Maanta ugu jilicsan oo aad inoo haysaa Aadanoow, dabadeedna Raashinkooda oo dhan ayuu u qaadi jiray Reerka aan ku tilmaamo, dabadeedna raashinka ayuu siin jiray Annaga mooyaane iyadoon Cid kale oo aan Illaahay ogayn, Illaahay dambigiisa ha dhaafo, dariiqa jannada ha u fududaydiyo.”

Sheekhu wuxuu sheegay inuu Marxuum Maxamed-rashiid u jeclaa Alle dartii “Shan Qof baan Madaxa ka dhunkaday markay dhinteen oo qaarkood Waalidkayga ka mid ahaayeen, kuwii buu ka mid yahay Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, Ilaahoow Dambigiisa dhaaf, Ilaahoow su’aasha u fududee oo Qabriga uga dhig mid ka mid ah Jannooyinkaaga..”ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro)

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker