Booliska Maraykanka Oo Toogasho ku dilay Wiil Soomaali ah Oo Dilay Walaaladiis

Booliska Magaalada Kansas ee dalka Mareykanka ayaa xalay toogasho ku dilay wiil Soomaali ah, ka dib markii hal habeen ka hor uu magaaladaasi ku dilay laba wiil oo la dhashay.

Waaxda Booliska ee Magaalada Kansas ayaa Hanad Abdiaziz oo 25 ah u aqoonsaday inuu yahay kan habeenkii Jimcaha labada wiil ku dilay magaaladaasi.

Abdulwahid Abdulaziz oo 16 jira iyo Abdirahman Abdulaziz oo 14 jira ayaa la dilay, wax yar uun ka dib markii ay Masaajid ka tujiyeen Salaadda Taraawiixda.

Labadan wiil ayaa ahaa Xaafidul Quraan, mana cadda ujeedada ka dambeysa dilkooda, ha yeeshee booliska ayaa wada baaritaano ku aaddan falkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker