Maxaa Sababay Khilaafka Ka Jira Baarlamanka Maamulka Puntland?

Khilaaf ayaa ka taagan baarlamanka Maamulka Puntalnd, kadib markii dhawaan la meel mariyay xeer hoosaadka baarlamanka kaasoo qodobbada qaarkood ay diideen xildhibaanada qaarkood, waxaana jira inay ku andacoonayaan in qodobbada qaarkood ay dastuurka ka hor imaanayaan.

Xildhibaanada Puntland ayaa shalay loo qeybiyay xeer hoosaadka golaha kadib markii 4-tii bisha uu baarlamaanka ansixiyay xeer hoosaadka cusub.

Mid ka mid ah qodobada uu muranka ka taaganyahay ee xeer hoosaadka cusub ayaa ah xaasanadda looga qaadi karo xildhibaanka 44 cod xildhibaanada, guddoonka , iyo waliba madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa isa soo tarayaa khilaafka ka dhashay arrintani maadama xildhibaanada ay ku kala qeybsameen xeer hoosaadkan.

Xildhibaanada kasoo horjeeda xeerka cusub waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Ahmad Kuluc ) kaas oo sheegay in ansixinta xeerkan aanan loo marin dastuurka.

“Xeer hoosaadkan hadda la baddalay ama golaha la keenay oo anaga aaminsanahay in sida wax u dhaceen ay khaldanaayeen, sharciyada ay baalmarsan yihiin”

Wuxuu ku dooday in ansixinta xeerkan aanan loo marin hanaan sax ah isla markaana ay waxbo kama jiraan kasoo qaadayaan.

“Laakiin xeer kasta iyo qodob kasta oo uu qof la yimaado hadduu dastuurka ka hor imaanayo waa waxbo kama jiraan”

Maxay qoonsadeen xildhibaanada?

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale sheegay in qodobka ay kasoo horjeedaan uu kamid yahay mid oronayo in xildhibaanada soo mara maamulka Puntland ay wax ku qaadan karaan wax la yiraahdo ‘maamuus’.

“Waaggii hore sidii xeerkii ku qornaa haddii guddoonka baarlamaanka uu wakhtigiisii dhamaado wuxuu lahaan jiray wax la yiraahdo maamuus, hadda waxaa ku qoran xeerkan in 66-ka xildhibaan ay maamuus leeyihiin, guddoonka, labada ku xigeen iyo baarlamaanka oo dhanba”

Xildhibaanada kasoo horjeeda arrintan waxay ku doodayaan in dhaqaale aanan loo heynin in xildhibaan kasta soo mara baarlamaanka ay lacag usoo dhacdo.

“Lama rabo inta uu qofka guriga fariisto uu yiraahdo waa baarlamaanka soo maray , lacag baa halkaa iiga soo dhaceysaa taas shacabka Puntland ma aqbali karaan”

Wuxuu sheegay in haddii laga gudbi waayo khilaafkan ka dhashay ansixinta xeerkan in maxkamadda ay geyn doonaan si arrinta loo soo afjaro.

Maxaa loogu baahday xeerkan?

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan BBC u sheegay in xeer hoosaadkan la doonayay in la waafajiyo xeer hoosaadyada hoose ee golaha wakiilada heer federaalka.

“Guddigii waxay soo jeediyeen in xeer hoosaadka golaha dowladda Puntland la waafiyo xeer hoosaadyada goleyaasha wakiilada heer federaal sida uu qabo 9-aad ee xasaanadda xubnaha golaha shacabka farqaddiisa shanaad waxay u dhigantahay marka xildhibaan laga qaadayo xasaanadda waa inay ogoladaan 2/3 tiradii guud ee xubnaha golaha shacbiga”

Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii baarlamaanka Puntland ay xasaanadda kala noqdeen 8 xildhibaan oo ay eedeyn usoo jeedisay xeer ilaalinta Puntland kuwaas oo lagu eedeeyay shuruucda baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale bishii Nofeembar 2019, waxay xildhibaanada Puntland xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed).

Madaxtooyada iyo Baarlamaanka

Khilaafkii xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo-Daareed ayaa la sheegay in uu ahaa mid u dhaxeeya baarlamaanka iyo madaxtooyada Puntland , sida uu BBC-da u sheegay Guddoomiyihii hore Dhoobo-Daareed oo BBC-da la hadlay bishii Nofeembar, 2019-kii.

Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay”, inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Tan iyo xilligaasi, baarlamaanka iyo madaxtooyada waxaa loo arkay kuwa si wanaagsan u wada jaanqaadaya.

markii la  weydiiyay guddoomiye Cabdirishiid in xeer hoosaadka cusub uu ka warhayo madaxweynaha, ayuu sheegay in xeer hoosaadyada baarlamaanka ay yihiin wax u gaar ah baarlamaanka, saxiixa ugu dambeeyana uu isaga leeyahay, isaga oo intaas ku daray in aanay  jirin sabab madaxweynaha loogu wargaliyo.

Waxaa xusid mudan in marka xeer hoosaadka la ansixinayay uu madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ka maqnaa Puntland, isku day dhawr jeer ah oo aan samaynayayna aysan xukuumadda Puntland si toos ah uga hadlin arrinkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker