INTA SHAY EE WADAMADA AFRIKAANKII U DABRANYIHIIN..by abdirashid osman

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulshda afka somaliga ku hadasha

meel kasta oo ay joogaan mudanayaal iyo marwooyinba ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada xortaa .
illaahay subxaanahu watacaalaa bini aadamka wuxuu u abuuray cibaadadiisa iyo inay koonkan camiraan waxaa kaloo uu illaahay ibni aadamka ka fadilay makhluuqaadkiisa kale ee uu abuuray isagoo caqliga kaga fadilay ,hadaba markay sidaatahay si uu bini aadamku u camiro oo ugu tarmo koonkan marxalado badan ayuu soo maray oo marba uu talaabo soo qaadayey wuxuu u baahdoo kale inuu helo asaasiyaad si uu unoolaado ka caawiya sida cunto,biyo ,isgaadhsiin ,tacliin ama aqoon,caafimaad,laydh ama iftiin iyo qaar kaloo badan ,waxaynu kaloo ogsoonahay inaanu intaaba markeliya wada helin ee uu marba qayb helayey .
waxaan hordhacaa yar ee kooban uga socdaa halka ay marayso heerka nolosha bulshada somalida si caama ,si gaarana bulshada somaliland ku nool waxaynu ogsoonahay inaynu ku naalo qaarad hodana oo hadana dadkeedu sabool u badanyihiin asbaabuhu way badanyiin waxaanse ka soo qaadanayaa yadoo hadana dowlad waliba sababaheedu u sii gaaryihiin lakiin hadana inbadan bay kasimanyihiin shucuubta qaarada afrika waana kuwan:
1- jahliga : jahligu waa mid aynu kala simanahay dadka qaaradan kunool lakiinse marka qolo waliba hoos isugu noqoto dadka afsomaliga ku hadlaa way kasii xag jiraan oo marka boqol kiiba la eego waa mid aad u saraysa inkastoo aad moodo iminka inay sidii hore dhaanto ,markaan iminka diirada yara saaro waxaa somaliland iiga muuqda koboc xagaa waxbarashada oo aad u fiican khaasatan dhalinyarada taa waxaa dhiiri geliyey xukuumadihii kala danbeeyey waxaa kaloo qayb wayn ka qaatay nabad gelyada dalka sidaynu ogsoonahayna somaliland waa dal nabada iminka mudo aad ubadan taasina waxay dhalisay in qoysaskii dhalintoodii u diraan iskuulada oo shay dabiiciya maadaama ay nabadu utahay horumarwalba asaas.,waxaa kaloo mid aad loo xusa kaalinta tacliinta gaarka looleeyhay oo ah mid runtii hadaytahay iskuul iyo jaamacadoba qayb wayn oo laxaadle ka tartay horumarka tacliinta .
2-Nabad la,aata: nabadu waa asaaska waxwaloo horumara oo bini aadam ubaahdo qowlka odhanaya nololi jirimayso hadaan nabadi jirina runtii waa mid saxa oo dhaba ,waxaynu ogsoonahay qaarada afrika waxaa had iyo jeer ka jirta meelo badan xasiloonidaro ay sababaan dagaalo iyo isku dhac had iyo jeer dhaliya barakacayaal taasina waa ku lidi horumarka shucuubta .
3-Deganaansho la,aanta siyaasadeed :waa mid runtii aafa oo ku habsatay qaradaa waxaa lagu tilmaamaa qaarada inqilaabka iyo digteetarnimada ama kelitalisnimada taasina waxay had iyo jeer sababtaa isku dhacyo iyo abuur jabhado taasoo aakhirka ku danbaysa dagaalo ,alxamdulilaah somaliland qodobkaa isla markiiba way ka gudubtay waxaana salka loodhigay hab dimuquraadiyadeed oo runtii ay majeertaan iminka shucuubta iyo xukuumadaha afrika .
4- dhaqaale yari: dhaqaaluhu iminka waa hubka casriga ee aduunka iminka bari iyo galbeed loo beretamo, dowladuhu siday u kala dhaqaale badanyihiin iyo wax soosaar bay u kala quwad badanyiin miisaankii iminka badnaanta iyo anaa kaa hub badan waa la dhaafay iminka waxaa laysugu hanjabaa waa dhaqaalaha taasoo loo beratamo halka dhaqaale laga helilahaa iyo dakhli umadaha horuumaray waxay ku faanaan dakhliga mujtamacaadka ee fardi kasta ku soo hagaagi karta waxaan filayaa somali halkaa wax laxuso maaha .
5-Kartida iyo tacab yaraanta : waa mas,alad muhiima mujtamacu hadaanu isagu marka hore u dhalan karti oo isdirin horumar badan magaadho markuu qofku isdiro oo tacab u dhaqaaqo iyo dhaqasho ayuu midha dhal sameeyaa lakiin yaduna waxaa muhiima waa inoo helo nidaam iyo xukun rashiida oo u kala habeeya howlihiisa iyo halkuu wax ka bilaabilahaa iyo siday baahiyihiisu ukala muhiimsanyihiin ,hadaynunahay somali tacabka umaynu dhalanba ra,yigayga siiba reer somaliland hadaan diirada sii saaro waa dad hadal badan oo ficil yar tacabkiyo kartidana ka saboola iminka dalka markaad indha indhayso aad bay u yartahay inaad ku aragto silcad dadka dalka udhashay ay soo saareen noocay doontaba hanoqotee ,mujtamacaadka kale waxay layimadaan fikrado ay shaqo abuur ku samaystaan markaasanay doonaan cidii u fududaynlayd ama yagaaba wax isku biiriya somaliduse inay fadhiga ku dheregtay wada doonaan.
6-Curinta: manihin umad wax curisa qodobkana waxaan u arkaa kuwa inoo gaarka somali ahaan dad maskaxdooda ka shaqaysiiya manihin waxaynunahay bulsho maskaxdooda caajiska baray oo fadhiida dad baynunahay yaraysta waxa yaree waxtara inay bilaabaan si ay u kobciyaan oo wax wayn u noqoto keena wax bartay iyo ka jaahilkii waa isku mustawe mararka qaarkood oo kalaba saari maysid ,jaamacadahenu malaha dhiiri gelin mana sameeyaan cilmi baadhis ku abuura ardayga faduul curineed.
7-Hogaan xumo: inta badan nasiib uma helaan shucuubta qaarada afrikadu hogaamiyaal ka turjuma riyooyinkooda ama ka shaqeeya baahiyaha asaasiga ee noloshu ku dhisanto sida adeeg caafimaad oo fiican,waxbarasho tayale,biyo nadiifoo ay cabaan,cunto nadiifa oo tayale, iyo kaabayaasha kalee nolosha bulshadu ku horumarto ,bal intaasoo aanay helin waxaa u dheer dayac iyo baylaha soo waajahda musuqmaasuq iyo xoolo urursi lagula kaco ,kutagrifal awoodeed ,handadaad iyo caga joglayn,eex iyo cadaaladaro ,kursi isku dhejin iyo kororsi sida iminkaba ka muuqata wadamo badan oo somalia u danbayso ,umadu markaa waxay u oomantahy badiba dalalkaa qaarada afrika kamidi hogaamiye saxa oo u adeega oo aan ka shaqaysan haga oo u horseeda jidka horumarka.
Guntii iyo gabagabadii waxaan biyo dhac uga dhigayaa maqaalkaygan kooban markaan arkay mujtamaca somaliland heerkuu ka taaganyahay nolosha iyo baahiyihiisa asaasiga si uu u camiro aduunkan Inta uu kaga noolyahay in wax badani ka dhimanyihiin oo daruuriyaadka noloshiisi ,asbaabahaa aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badaniba way inagu gadaamanyiin qaarna waxbadan kamaynu faaiidin ,hadaanse somaliland sigaara uga hadlo waxaan odhankaraa labada qodob ee aan doonayo inaan bulshada aad ugu dhiirigeliyaa waa qodobada( kartida iyo tacabka ,curinta) labadaasiba waa daruurihadaynaan isdirin oo tacban oo nolosheena wax inoo faaiidale mustaqbalkeena iyo xaadirkaba kusoo kordhin halkeenaa ka gudbi mayno dhalinyarada mujtamaceena waxaa lagu qiyaasaa 70% waa xoogii dalka waa maskax cusub oo u baahan in laga shaqaysiiyo intaasiba maanta fadhiidbay u badanyihiin weli ma arag meel arday jaamiciyi ka leeyahay ama ku soo bandhigo wax uu mujtamaciisa ku soo kotdhiyey hadii laga tegiwaayo waa fara ku tiris ,innta badan shaqo la,aanbay ka cowdaan shaqadiina maskaxdooday ku jirtaa waa ayaandaro runtii caalamka waxaa laysku dhaafay waa fikir iyo curin inana mid yar iyo midwayn waxaynu ka sheekeenaynaa reer hebel iyo reer hebel , katoosa hurdada oo heeryada caajiska tuura bulshow .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker